Wasiirka Daakhiliga Oo Markii Labaad Gaashaanka Ku Dhuftay Mudaharaad Xisbiga WADDANI ka Soo Dalbaday

0
345

Hargeysa (Dawan)-Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa mar labaad gaashaanka ku dhuftay mudaharaad xisbiga WADDANI k a soo dalbaday, waxaanu sheegay inaanu  mudaharaadkaasi suurtogal ahayn marka la eego xaaladda dalku xiligan ku jiro oo ay maan-gal tahay in cadowga dalku  ku soo dhex dhuuman karo banaan baxayadda.
 
Sidaasna waxa Wasiirka Daakhiligu  ku sheegay warqad wargelin ah oo uu kaga jawaabay qoraalkii xisbiga WADDANI Banaan-baxa kaga soo dalbaday. Waxaana lagu socodsiiyay Taliyaha Booliska iyadoo waraqadani ay ogaysiis ku leeyihiin dhammaan Maayarrada iyo Badhasaabada dalkuna. Warqadaasi oo dhamaystirani waxay u dhignayd sidan:-
“Tixraac warqadda ka soo baxday Xafiiska Gudoomiye Ku-Xigeenka 1-aad ee Xisbiga Waddani ee Tirsigeedu yahay XIS/WAD/XDH kuna taariikheysan 14th/05/2015, ujeedadiisuna ahayd Mudaharaad Salmiya ah, isla markaana taariikhda aad soo gudbiseena ay khaldan tahay oo aan la gaadhin maantana ay bishu tahay 12th May2015.
Tixraac warqadda ka soo baxday Xafiiska Gudoomiye Ku-Xigeenka 1-aad ee Xisbiga Waddani ee ku taariikheysan XIS/WAD/XDH ee 07th May 2015, ujeedadiisuna ahayd Mudaharaad Samli ah taasioo warqadaasi noo soo Gudbiseen 10/05/2015, sida ku cad Qabashada warqadda.
Haddaba,  Wasaaradda Arrimaha Guduhu markii ay u kuur gashay qoraalka warqadaasi, isla markaana daristay Qawaaniinta iyo xeerarka Dalka u yaalla ee khuseeya arrintan, waxay diiday codsiga warqada xisbiga Waddani, kuna sababaysay sidan tan:-

  1. Iyada oo la eegayo danta guud ee Qaranka iyo Ilaalinta Amniga
  2. Iyada oo la eegayo xaalada hadda dalku ku jiro oo ah u diyaar garawga maalintii la soo noqoshada xoriyada 18 may.

3.Iyada oo ay cadaw badani innoogu soo dhuuman karo oo khal khal galin kara xasiloonida Dalka.
4.Iyada oo aanay xisbiga Waddani qoraalkooda ku cadayn in ay mas’uul ka yihiin wixii ka yimaada .
Sidaas darteed, Wasaaradda Arrimaha Guduhu iyada oo cuskanaysa Qodobka 25aad faqradiisa 4aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhigaya dhammaan xoriyaadka qofka waxaa shardi ah in aanay ka hor iman xeerka anshaxa guud xasiloonida dalka, ama xuquuqda qofka kale.
Iyada oo cuskanaysa qodobka 10aad faqradiisa 3aad ee xeerka anshaxa iyo Nabadgalyada guud xeer no: 51/2012, mar labaad waxay diiday Ogolaanshaha Mudaharaad dana gaara oo siyaasadeed lagaga fulinayo dalka.”
Geesta kalena, Mudaharaadkii xisbiga WADDANI ku baaqeen inay ka dhigayaan goboladda dalka ayaa  fashilmay ka dib markii shacbiga ku dhaqan magaalooyin badani ay dhegaha ka furaysteen baaqii Hoggaanka Xisbigaasi.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply