Madax ka shireysa qalalaasaha Burundi

0
406

Madaxda dalalka Bariga Afrika ayaa maanta ku kulmaya caasimadda dalka Tanzaniya ee Daral-salaam, si ay uga wada hadlaan qalalaasaha siyaasadeed ee dalka Burundi.
Madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza ayaa la filayaa inuu kullanka ka qeybgalo.
Hogaamiyayaasha ayaa doonaya inay xal ka gaaraan soo celinta nabadda ee dalkan yare e ku yaalla Bariga Afrika.
Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhimatay dibad baxyada ka dhacay magaalada Bujumbura, markii madaxweynaha uu shaaciyay inuu markale u tartamayo xilka madaxtinimada.
Tobannaan kun oo qof ayaa dalalka deriska ah u qaxday markii rabshadaha ay bilowdeen.
Madaxweyne Pierre Nkurunziza ayaa illaa iyo hadda diiday baaqyada uga imaanayo Mareykanka, Afrika, iyo midowga Yurub, ee ah inuusan isasoo sharixin ama xilliga doorashada dib uu u dhigo.
Maanta waxa uu hor-fariisanayaa qaar ka mid ah dadka ku boorinayay inuu ka tanaasulo rabitaankiisa.
Hogaamiyayaasha ku shiraya Tanzaniya waxa ay raadinayaan in badbaadiyaan heshiis 15 sano ka hor Daras-salaam lagu saxiixday, kaas oo lagu soo afjaray dagaalkii sokeeye ee Burundi.
Nkurunziza ayaa dalka hogaaminaayay 10 sano, mucaaradka ayaana ku doodaya inuu dhameystay xilligii loogu talagalay ee dastuurka dalkaasi uu u ogolaanayo.
Laakiin waxa uu dhankiisa dooda ka dhigayaa in markii ugu horeysay ay doorteen baarlamaanka oo aysan shacabka u codeyn. Isbuucii hore, maxkamadda dastuurka ee Burundi ayaa taageertay rabitaankiisa.
 

Leave a Reply