“Muddo Kordhinta Dastuuriga Ah Ninkii ka Horyimaadaa Isaga Ayay u Taallaa…”

0
440

Hargaysa (Dawan): -Xildhibaan C/Qaadir Jaamac Xaamud, oo ka tirsan Golaha Wakiiladda ayaa sheegay in aanay beesha caalamka    khusaynin  wakhtiga ay qabsoomayaan doorashooyinka Somaliland, isla markaana ay Somaliland u madax-banaan tahay  hawlaheedda.
Xildhibaan Xaamud oo shalay la hadlay qaar ka mida warbaahinta ayaa waxa kale oo uu sheegay inuu soo dhawaynayo muddo kordhintii  ay Golaha Guurtidu u sameeyeen  xukuumadda iyo Golaha Wakiiladda.
“Beesha caalamku innooma hayso wixii arrimaheenna ah innagaa og sida doorashaddu ay u dhacayso iyo baahiyaha dalka yaalla, oo  innaga ayaa  ka war-hayna,  weliba  madaxweyne loo igmaday hawlahaasi  ayaa jira. Markaa  waxa weeye  in beesha caalamku nagu taageerto wixii aynu ula tagno ee ra’yi ah.  laakiin haddii mashaariic lagagu soo qaato oo lagu yidhaahdo beesha hadana waxba kuu qabsoomin, imisa jeer ayaa dalka doorasho laga qabtay haddana waxa ay la lahaayeen waan idin ictiraafaynaa hadana waxba ma qabsoomin,”ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud.
Waxa kale oo  uu ka hadlay  muddo kordhinta  Golaha Guurtidu u sameeyay xukuumadda  iyo  Golaha Wakiiladda.  waxaannu yidhi “Waxaan ku  hambalyaynayaa muddo kordhinta Golaha Guurtidu u sameeyeen xukuumadda iyo Golaha  Wakiiladda sababaha aan u hambalyaynayaana waxa jira gobolo aan si fiican doorasho uga dhicin oo ah gobolada bariga dalka, waxaanan filayaa labadaa sanno ee la kordhiyay in la sixi karo sidii doorashaddu u qabsoomi lahayd.
Xukuumadduna dedaal  badan ayay samaysay waxaanan qabaa in xukuumaddu muhiimadda siiso sidii loo hanan lahaa goboladda bari oo loo gaadhsiin lahaa diiwaan-gelinta iyo haddii ay noqoto xaga Caafimaadka iyo waxbarashada laga hawl-galo.”
Xildhibaanku waxa uu sheegay inay haboon tahay in doorashooyinka dalka ka wada dhacaan. “Waxa haboon in mar doorashadda laga wada qabto dalka, waxaana Komishanka doorashooyinku balanqaadeen inay tagayaan goboladii hore doorashooyinku ka dhicin ee ay ka mid yihiin Laasqoray iyo Buuhoodle, taana waan ku hambalyaynayaa waanan kala  shaqaynaynaa.
Waxa  uu tilmaamay xildhibaanku in   Guurtiddu ay raaceen  dastuurka dalka u yaala, oo jidaynaya muddo kordhinta ay sameeyeen. “Waa dastuuri in muddo korhdin Golaha Guurtiddu sameeyo, dastuurka ayaana dalka saldhig u ah.Markaa qofkii ka horyimaadaa isaga ayay u taalaa qof walina inuu sharciga ilaaliyo wuu ku khasban yahay” ayuu yidhi xildhibaan Xaamud.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply