Dawlada Ciraaq oo isku Dayaysa inay Dib u Qabsato Ramaadi

0
374

Kolonyo maleeshiyada Shiicada Ciraaq oo ay dowladda soo qaaday ayaa gaadhay saldhig u dhow magaalada Ramadi oo gacanta Daacish ku dhacday.
Dowladda ayaa rajeyneysa in ciidamo sadax kun oo maleeshiyaad ah ay gacan ka geysan doonaan dib u qabsashada magaalada, ayna badasho wax lagu tilmaamay guushii ugu weyneyd oo Daacish gaartay sanad.
Dagaalamayaasha Shiicada oo xidhiidh la leh Iran ayaa dhawaan door wanaagsan ka qaatay kaalmeynta ciidamada Ciraaq inay dhul dib u qabsadaan. Balse waxay wariyayaashu soo sheegayaan inay dowladda ka welwelsan tahay u adeegsigooda magaalada Sunniyiinta ee Ramadi, ayadoo ka baqeysa inay keento dagaalo diimeed.
Magaalada Ramaadi ee waddanka Ciraaq ayaa waxa ay gacanta u gashay kooxda isku magacawday Dowladda Islaamiga ah, kaddib markii ay ciidammada dowladda baneeyeen xuramahooda, saraakiisha ayaa sidaasi sheegtay.
Ra’iisul Wasaare Xaydar Alcabaadi ayaa xilli hore ku booriyay ciidammada dowladda in aanay banayn xarumahooda Ramaadi.
Booliska iyo milateriga ayaa sameeyay dib u garasho qaab daran kaddib maalmo uu halkaasi ka socday dagaal xooggan.
Ramaadi waa magaalo madaxda gobolka ugu ballaadhan waddanka Ciraaq ee Anbaar, waxa ayna 70 mile (112km) galbeedka ka xigtaa magaalada Baqdaad ee caasimadda dalkaasi.
Bayaan ka soo baxay kooxda Dowladda Islaamiga ah ayaa lagu sheegay in dagaalyahanadeeda ay qabsadeen guud ahaan magaalada.
Waxaa sidoo kale bayaankaasi lagu sheegay in dagaalyahanada kooxdu ay qabsadeen saldhigga Guutada 8-aad, halkaasi oo ay ku qabsadeen taangiyo iyo qalabka laga gano gantaalada oo ay ka carareen ciidammada Ciraaq.
 

Leave a Reply