Magaalada Gabilay Oo si Mug Leh Looga Dabaal Degey Xuska 18.ka May

0
320

Gabilay(Dawan)- Kumanaan ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaalada Gabiley ee xarunta gobolka Gabilay ayaa shalay isugu soo baxay ka qayb qaadashada dabaaldega 24 guurada maalinta qarannimada Somaliand ee 18-ka May, iyaga oo raxan raxa u maray gaado ka ciyaar.
 
Sidoo kale waxaa si wayn looga xusay maalintan qaranimada Somaliland ee 18-ka May degmooyinka gobolka Gabilay oo ay ka mid yihiin degmada Wajaale, Arabsiyo, Allay-baday, Agabar iyo Geed Balaadh, waxaana fagaarayaasha isugu soo baxay dadweyne ku gaadhan calanka jamhuuriyda Somaliland.
 
Caasimada Gobolka ee Gabilay oo ahayd goobta ay ka dhacday munaasibada ugu way nee sannadkan waxa dadwaynaha kala qayb galay farxada iyo dabaaldega maalinta qarannimada, xubno ka tirsan golaha wasiirada Somaliland oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Ganacsiga Dr. Muuse Qaasim, Wasiirka warshadaha Shucayb Muuse, Wasiiru-dawlaha wasaarada biyaha, Badhasaabka gobolka Gabilay Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), Maayarka Gabilay Maxamed Amiin Cumar Dheere, dhamaan masuuliyiintaasi oo goobtaasi hadalo ka jeediyay waxa ay ku dheeraadeen taariikhda iyo halgankii loo soo galay xorriyada iyo madaxbanaanida qarannimada Somaliland, waxaanay uga mahad celiyeen shacabka gobolka Gabilay sida ay isaga xil-saareen waynaynta maalintan.
Dawannews Hargeysa office
 
 
 
 
 

Leave a Reply