Maxaa keena Daalka Qofka?

0
1570

Hay’adda Heart Foundation ee Jarmalka ayaa cadaysay in dad iyo dhakhaatiir badani u qaataan marka ay neesafsashadu ku adkaato in uu jiro xanuuna dhinaca sanbabada ah.
Waxaana ay intaasi ku dartay in mararka qaarkood aanay ahayn sanbabad ee ay tahay xanuun wadnaha ah.
Waxaan ay hay’addu sheegtay in marka qofku uu buur korayo ama uu ordo ama uu hawl adag qabto ay neeftu ku adkaato taasi ayaana cadaynaysa in neefsashada iyo wadanaha uu xidhiidh ka dhexeeyo, maxaa yeelay waxa daciifa muruqyada wadanaha kuwaasi oo awoodi waaya inay wadanaha gaadhsiiyaan dhiig ku filan. Waxaana qofku wakhtigaasi dareema daal iyo hiinraag uu is taago, isagoo wakhtigaasi sheega nasasho inuu u baahan yahay.  Hay’adda ayaa sheegtay in marka qofku dareemo in neefashadu ay dhib ku tahay lagu sameeyo baadhis caafimaad oo sambabada iyo wadanahaba ah. ( Al-jasiira.net).

Leave a Reply