Habab Cusub Oo La Ogaaday In Lagu Dawayn Karo Xanuunka Cancer-ka

0
431

Khubaro caalami ah ayaa soo saaray siyaalo cusub oo loo daweyn karo xanuunada ku dhaca beerka,gaar ahaana xanuunka loo yaqaano Cancer-ka,gaar ahaana waqtiyada uu ku jiro wejiyada hore ee laga daweyn karo qofka ama qofku la tacaali karo,iyada oo hababkan cusubi noqonayaan kuwo aan qaliin u baahnayn.
Habkan ayaa waxa soo saaray khubaro ka socotay jaamacadda lagu magcaabo Georgia University,waxaanay sheegeen in habkani yahay mid lagu daweyn karo xanuuno badan oo beerka ku dhaca,iyada oo weliba loo daweynaayo si dhakhso ah.
Khubaradan ayaa sheegtay in waqtiyada ay dadku weynaadaan ,xanuunkuna noqdo mid muddo hayey dhaafayna wejiyada hore ay aad u adag tahay in la daweeyaan,maxaa yeelay waxa uu maray  heerar kala duwan oo ay adag tahay in laga daweeyo qofkaasi.
Sidoo kale habkan ayaan u baahnayn in lagu daweeyo wax qalabkii hore ah ,gaar ahaana qalabka lagu magcaabo X-rays ka,kaas oo dhibaato markii hore dadka kasoo gaadhi jirtay,sidoo kalena aan mar labaad ama saddexaad lagu celin Karin.
Professor Jenny Yang ayaa sheegay in qalabkan cusubi yahay mid si cadaan ah looga ogaan karo markasta xaalada uu maraayo Beerku,gaar aahana xaaladaha cul culus.
 

Leave a Reply