“Si looga hortago in ururada siyaasadeed ee dalka ka samaysmaya ay saamayn iyo galaangal ugu leeyihiin gacmo shisheeye ama ururo xag jir ahi waa in aynu gole ahaan darisnaa, oo baadhnaa urur kasta siyaasadiisa, mabaadiidiisa, afkaartiisa iyo ilihiisa dhaqaaleba, oo aynu ogaanaa halka ay wax uga yimaadaan.”
Sidaas waxa yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, oo ka hadlayay aqalka wakiiladda sannadkii 2012-kii xiligaasi oo ay dalka ka socotay hawshii dib u furida ururradii siyaasadda ee ka qeyb galayay doorashadii ugu dambaysay ee goleyaasha deegaanka.
Waa runtiisa’e waxay ahayd xiligaas ururadii siyaasadeed ee ka qaybgalay doorashadii u dambaysay ee goleyaasha deegaanka in aad loo hubiyo halka ay ku tiirsan yihiin, siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan iyo afkaar ahaanba. iyada oo la raacayo sida ku cad dastuurka qaranka iyo xeerka nidaamka ururada iyo asxaabta siyaasada ee xeer No. 14/2011. Gaar ahaan Qodobkiisa 2aad ee ku saabsan Mabaadiida guud iyo u hogaansanaanta sharciga ee ururada iyo asxaabta siyaasada.
Kaasi oo si cad u sheegaya in ururada iyo asxaabta siyaasada ay waajb ku tahay inay u hogaansanaadaan mabaadiida, shuruucda iyo xeerarka dalka u yaala oo dhan, isla markaana aanay noqonin kuwo wax u dhimaya danaha qaranka, nabadgelyada guud , midnimada ummada iyo lahaanshaha dhul ahaaneed ee Jamhuuriyada Somaliland. Iyo sidoo kale qodobka 7-aad ee xeerkaas oo isaguna sheegaya in urur kasta iyo xisbi kasta ay ka reeban tahay inuu dhaqaale ka helo ilo shesheeye iyo in kale.
Nasiib darro se taasi ma dhicin, maantana waxaa taagan
ifafaalle muujinaya wixii uu wakhtigaasi ka dhigayay Xildhibaan Cabdulqaadir Jirde. waxaana si cad u soo shaac baxday, oo ay haatan Ummada reer Somaliland ku baraarugtay in xisbiga WADDANI oo ah guri-damayska axsaabta qaranka, uu noqday xisbi u qabaana cadawga Somaliland. oo u adeegsada fulinta danahiisa guracan ee la xidhiidha hadimada iyo hagardaamaynta umadda reer Somaliland.
Waxaana cadaatay in mudooyinkan dambe xisbiga WADDANI iyo hoggaamiyeyaashiisu noqdeen isha ugu weyn ee cadawga Somaliland ka helo xogta iyo macluumaadka dhabta ah ee la xidhiidha qorshe kasta qarankani dejisto iyo hawl kasta oo uu qabsanayoba sirtooda.
Waxaa marag ma doon ah in maalin kastaba xisbiga WADDANI iyo madaxdiisu dalkan iyo dadkiisa ka gudbiyaan warar iyo warbixino been abuur ah oo looga dan leeyahay in lagu xajiimeeyo magaca iyo sumcada wanaagsan ee aynu dal ahaan dunida ku leedahay, kuwaasi oo ay masuuliyiinta xisbiga WADDANI si joogto ah ugu gudbiyaan cid kasta oo cadaw iyo nacabba u ah Somaliland iyo qadiyada madaxbanaanideeda, sida horjoogeyaasha dawlada taagta daran ee ka Talisa dalka Soomaaliya, wakiiladda iyo diblomaasiyiinta wadamada iyo hay’adaha caalamiga ah ee u xilsaaran fulinta iyo meel marinta barnaamijyada iyo qorsheyaasha madhalayska ah ee dunidu ka wado Soomaaliya. Gaar ahaan barnaamijyada riyo maalmeedka ah ee la doonayo in dib loogu mideeyo wixii hore loo odhan jirey Soomaali weyn oo ay Somaliland-na ku jirto.
Mawduuca la xidhiidha in guddoomiyaha WADDANI uu adduunka u gudbiyay dacaayado raqiis ah iyo qoraalo cadowtinimo xambaarsan oo uu Somaliland wax kaga sheegayo, ayaa waxa uu noqday qoddobka ugu hadal-haynta badan ee xiligan lagu faaqido goobaha barkulanka bulshadda.
Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro iyo inaadeerkii Dr. Maxamed Cismaan Fadal, oo ah ninka xisbigaas ugu magacaaban Xoghayaha arrimaha dibadda waxay todobaadkii hore u gudbiyeen wakiilka midawga Yurub u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Michal Caravan oo ah nin u dhashay wadanka Talyaaniga, isla markaana si weyn ugu ololeeya qadiyada Somaliweyn.
Warbixin aan sal iyo raadtoona lahayn oo ay ku sheegeen in xukuumada Somaliland go’aansatay in siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta xisbiga WADDANI qaarkoodna la laayo, qaarkoodna la xidh xidho. Taas aawadeedna ay u baahan yihiin in dunidu u soo gurmato maadaama noloshoodii khatar ku sugantahay, taasoo ah arin aanay waxba ka jirin.
Guddoomiye Cirro waxa uu nashuushadeeyay, isla markaana uu si wadaninimada ka fog oo cadaawadi ku dheehantahay uga been sheegay Ciidamada Booliska Somaliland gaar ahaan RRU-da, kuwaas oo uu ka gudbiyey warbixin been abuur ah, taasi oo uu ku eedeeyay inay ka shaqeeyaan cabudhinta shacbiga baabiinta dimuquraadiyada. Sidaas aawadeedna waxa uu wadamada inga taageera dhaqaalaha iyo tababarada Ciidankaas ka codsaday in ay joojiyaan dhaqaalaha iyo taageerada ay siiyaan Ciidankaas.
sidoo kale 29-kii bishii April ee aynu soo dhaafnay wargeyska Himilo oo ka soo baxa caasimadda Hargeysa waxay waraysi la yeesheen sarkaal ka tirsan safaaradda Ingiriiska ee Addis Ababa oo la yidhaahdo Ms. Lizzie Lovett, waxaana la waydiiyay waxa ka jira in Guddoomiye Cirro u gudbiyay dacwado ka dhan ah Ciidanka RRU-da, waxaanay kaga jawaab celisay.
“Haa, xisbiga Waddani way noo soo gudbiyeen mowqifkooda la xidhiidha ciidanka RRU, laakiin waxaan u ballan qaadnay Gudoomiyaha Baarlamaanka Cabdiraxmaan Cirro in dacwad kastoo ka dhan ah ciidanka RRU ay baadhitaan ku samayn doonaan, isla markaana heshiis adag u dhexeeyo xukuumada Somaliland inaan sifo khaldan loo adeegsan ciidanka RRu-da” ayay tdhi Ms. Lizzie Lovett.
Taas waxa xigtay in iyana la xaqiijiyay in xisbiga WADDANI uu tibaaxo qaran-dumisnimo xambaarsanaa oo uu Somaliland ku waxyeelaynayo u gudbiyay wakiilka midowga Yurub u qaabilsan Somaliland/Somalia Mr. Michele Carvone d’Urso oo u dhashay wadanka Talyaaniga isla markaana ah nin si weyn uga soo horjeeda qadiyadda madax-banaanida Somaliland, ayaa la sheegay inuu isagu xisbigaasi ku dhaliyay fikiradii mudaharaadyadii dhicisoobay ee ay ku baaqeen in dalka laga dhigo.
Haddaba rubuc-qarni ku dhawaadka Somaliland ku naaloonaysay madax-banaanideeda waa markii u horeysay ee Somaliland ka dhex baxaan siyaasiyiin xambaarsan afkaar siyaasadeed oo dibada ay ka soo wal-waasheen. Ra’yul caamka Somaliland waxay qaan in dhacdooyinka ugubka ah ee uu la soo baxay xisbiga WADDANI ay tahay mid nasiib wanaag soo baxday xili aan wali la gelin doorashadii madaxtinimadda. Waxaanay dadka fikradan aaminsani ku doodeen in Guddoomiye Cirro ay qaban doonto shaandhada shacbigu ku kala hufaan siyaasiyiintooda marka la gaadho doorashooyinka lagu wado inay dalka ka dhacdo 22 bilood ka dib.
Dhanka kale waxa iyana fadeexad kale ah in Guddoomiye Cirro uu wali sii dhex fadhiyo Golaha Wakiiladda ee uu cambaareynayo muddo kordhinta loo sameeyay, isagoo Guddiga musdambeedka WADDANI u sheegay in mansabka Guddoomiyenimada Wakiiladdu u tahay hub uu kula dagaalamayo xukuumadda marka laga reebo inay mansabkaasi u yahay il-dhaqaale oo uu uga faa’iidaysanayo inuu ku daboolo dhaqaalihii ka geli lahaa xisbiga.
La Soco ……………………..
Home Ra’yiga Dadweynah Maxaa Laga Dhaxli Doonaa Hadamidda iyo Hagar-daamooyinka Uu Xisbiga Waddani Ku...