Sucuudiga: Qarax ka dhacay Masaajid

0
464

Weerar bam ayaa lagu qaaday salaadii Jimcaha, masaajid Shiicada ay leeyihiin oo ku yaala dalka Sacuudiga.
Ugu yaraan afar qof ayaa lagu soo waramayaa in ay dhinteen, qof goob joog ahna waxa uu sheegayaa in weerarkaasi uu ismiidaamin ahaa.
Weerarka ayaa waxa uu ka dhacay gobalka waqooyiga ku yaala, oo ay u badan Shiicada laga tirada badan yahay.
Fiidiyow laga soo duubay masaajidka Imam Ali, ee uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa uu muujinayaa in qeybaha jidhka bani’aadamka ay daadsanaayeen goobta ay wax ka dhaceen.
Qofka isa soo miidaamiyay ayaa qaraxa waxa uu fuliyay xilligii salaada jimcaha.
Waa markii ugu horeysay oo qarax lala eegto masaajid ay leeyihiin Shiicada oo ku yaala Sacuudiga, iyada oo ay isa sii tarayso xiisada ballaadhan ee ka taagan gobalka, ee u dhaxaysa Suniyiinta iyo Shiicada Muslimka ah.
Sacuudiga ayaa hadda hoggaaminaya weeraro dhanka cirka ah oo ka dhan ah falaagada Shiicada ee Yemen, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay taakuleyn ka helayaan Iran.
Ma jirto cid sheegatay weerarkan ilaa iyo hadda, waloow maleeshiyada Daacish ay soo sareen digniin ay ku sheegayaan in ay weerarayaan Shiicada ku sugan Sacuudiga.
Sacuudiga kuma cusbo weeraro argagaxiso, waxayna ka guulaysteen mowjado weeraro bambaano oo dhacay sanad ka hor.
Balse waxaa weerarkaas ku qaaday Al-Qacida oo wadatay ujeedooyin ka duwan kuwa Daacish.
 
 

Leave a Reply