Gabadh Hurdaysa 7 Bilood Oo Xidhiidh Ah

0
374

Gabadh u dhalatay dalka Aljeriya ayaa la sheegay in muddo 7 bilood oo xidhiidh ah aanay hurdada ka toosayn.  Waxaana la sheegay in mudadaasi ay toosayso keliya muddo 3 maalmood ah. Arrintan oo noqotay mid qariib oo ay fahmi kari waayeen  dhakhaatiirtu ayaa noqotay wax yaab leh.
Hooyada dhashay gabadhan oo lagu magacaabo Nabiilah ayaa sheegtay in aanay mudadaasi qofna la hadlayn cunto u baahanayn, laakin  ay iyadu ay cuntada ku khasabto.
Dhakhaatiiirta ayaa sheegtay in arintani ay tahay mid ay ka dhaxashay waalidkeed, iyadoo aabaheed markii u yaraa uu xanuunkan ilaa markii uu gaadhay 10 sano. Aayadeed aya iyana seexan jirtay 3 bilood oo xidhiidh, oo mar danbe dhimatay iyadoo hurdda.
Hooyada Nabiilah ayaa sheegtay in aanay jirin wax xanuun oo ay dareentaa, laakiin marmar ay sheegto inuu madaxu xanuunayo.
Dr.Fadil Cali oo Aljeeriyaan ah una waramaya NBC ayaa sheegay in arintan ay keenayso iyadoo dareenada maskaxda aya si khalkhal ah u shaqaynayaan gaar ahaan qaybta hurdada qaabilsan ee maskaxada, maxaa yeelay ayuu Dr.Fadal yidhi qofka aadamiga ahi ma hurdi karo wax ka badan 48 saacadood oo xidhiidh  isagoo aanu cunto u cunin, haddii kale taasi ay ku keenayso xanuuno. Waxaana uu sheegay in khalkhalkaasi sidoo kale ku keenayo in aanay qaban baahi cunto.

Leave a Reply