Maamulka Salel Oo Beeniyay In Xidhiidh Ganacsi Dhex Maray Xuutiyiinta Yeman iyo Ganacsatada Reer Saylac

0
310

Saylac(DAWAN): Maamulka gobolka Salel, ayaa si adag u beeniyay jiritaanka war sheegayay  in ganacsato reer Somaliland ahi  ay xidhiidh wax kala iibsi   uu dhex maray kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yeman.
Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Selal ahna ku simaha Guddoomiyaha Cabdiqaadir Aadan  Yuusuf, oo xalay telefoonka ugu waramay Dawan isagoo joogay Sayalac,   ayaa si adag uga jawaabay war  kusoo baxay qaar ka mid ah warbaahinta, ayaa   sheegay in   warkaasi uu yahay dambi qaran oo dalka laga galay.
Waxa uu tilmaamay  guddoomiye ku-xigeenku   in ciddii  warkaa qortay ay dacwad ka gudbin doonaan, isla markaana ay   ku  kala bixi doonaan sharciga.
 
Guddoomiye  ku-xigeenka Salel,  oo ka hadlayay arrimahaasi waxa uu yidhi  ”Dalku waa Somalilad,  wax xidhiidh ahna lama laha  gobolka Selal kooxda Xuutiyiinta ee Yeman ka dagaalanta.  Guud  ahaan dalka Somaliland-na waa qaran dawladiisu ay gacanta ku hayso,  oo aanay suurto-gal ahayn in ay ka dhacdo wax sharciyadda baal marsan.   Kooxda  Xuutiyiinta ah ee dagaalka ka wada Yeman-na  cid xidhiidh la lihi ma jirto,  mana jiri doonto.
 
Ciddii  warkaa qortayna waxaanu  ka gudbinaynaa dacwad sababtoo ah,  waxay dambi  ka galeen qaranimada Somaliland,   oo waxay sheegeen war been ah oo saamayn kara dalka oo dhan.  waxay dalka  kaga been abuureen in uu xidhiidh ganacsi la leeyahay koox argagixiso ah,   taasi oo aan jirin.  markaa ciddii warkaa qortay sharciga ayaanu ku kala baxaynaa”.
Mar aanu waydiinay gudoomiye xigeenka Selal,  in ay jiraan nooc ganacsi oo guud ahaan dalka Yeman iyo ganacsatada gobolka Selal ka dhexeeyaa.  Waxa  uu ku jawaabay. “Dalka Yeman intii aanu dagaalku ka dhicin waxaa   gobolka Selal ka dhexeeyay ganacsi noocyo kala duwan ah,  oo ganacsatada reer  Saylac iyo dad asal ahaan reer Yeman ah oo Saylac degeniba ay la lahaayeen dalka Yeman waxyaabo kala duwanna ay  ka ganacsan jireen.  Laakiin  markii dagaalku ka dhacay ee dalka Yeman uu noqday dawlad la’aan  wax  ganacsi ah  oo Yeman  gobolku uula leeyahay ma jiro.
 
Waxaa  xataa meesha ka  baxay oo istaagay kalluumaysatadii reer Yeman  oo kalluunka ka ganacsan jiray ee laga iibin jiray oo maanta badda gobolka Selal waxaa ka Kaluumaysta Kalluumaysatada reer Somaliland oo laga iibsadaa.
Dhinaca  kale Yeman waxaa ka socda barakac oo waa laga qaxay,  waxaanay dadkii reer Yeman u kala qaxeen oo ay qaxootinimo ku galeen dalalka Somaliland, Jabuuti,  markaa maba jirto  cid xidhidh ganacsi lala yeesho oo dalkaa ka ganacsataa.
 
Laakiin  waxaa  dalkaa ka jira fawdo  iyo qalalaase xukuumadda Somaliland-na waxay fiiro gaar ah u leedahay dhaq dhaqaaqyada ka socda dalka Yeman iyo qaxoontiga  ka soo  qaxay ee imanaya Somaliland”ayuu yidhi.
Gudoomiye ku xigeenka gobolka Selal, ayaa sidoo kale waxa aanu wax ka wadyiinay sida ay ula socdaan ka maamul ahaan dhaq-dhaqaaqa jabhadda xuutiyiinta ee ah in aanay ka soo gudbin dhinaca badda. Waxaanu yidhi “Horta waxaa dambi ah xuutiyiinta ayay  ganacsato reer Saylac ahi wax ka iibisaa wargaysyada qorayna dambi ayay galeen oo dalka ayay ka dhigeen mid caawinaya koox dagaal caalamiya lagula jiro dacwadoodana Maxkamadda ayaanu u gudbinay.
Dhanka kale in aanay gobolka soo geli  Karin  Xuutiyiintu fiiro gaar ah ayaanu u leenahay oo waxaa gobolka ku sugan ciidanka Illaalada xeebaha oo ku sugan jasiiradaha Sacaadadiin Ceebaad iyo guud ahaan jasiiradaha gobolka ku yaalla oo dhan  waxaanay heegan buuxa ugu jiraan ciidanka Ilaalada Xeebuhu in aanay dalka Somaliland soo  gali karin  cid ka mid ah kooxaha dagaal oogayaasha ah eek u sugan dalka Yeman.”
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply