Somaliland Oo Ku Dhawaaqday Inay Joojisay Qaabilaadda Qaxootiga Ka Imanaya Dalka Yeman

0
306

Hargeysa (Dawan):- Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamad Warancade,ayaa  caddeeyay in dalka Somaliland dawlad ahaan aanay qaabili doonin qaxooti dambe oo ka soo qaxa dalka Yeman oo u dhashay Soomaaliya taasoo uu ku sababeeyay ka dib markii ha’yadaha caalamiga ah ee gargaarka u fidiya qaxootiyada dalalkooda ka qaxaa markii ay gacan u fidin waayeen dadka qaxooti ahaan ku yimaadda Somaliland ee ka soo cararay dagaaladda ka socda dalka Yeman.
Warancadde oo shalay xafiiskiisa ku qabtay  shir-jaraa’id waxaa kale oo uu intaa ku daray in dawlad ahaan Somaliland intii ay awoodaysay ay qaabishay qaxootiga kaga imanaya dalka Yeman taasoo iyaduba culayskeeda leh.
Wasiirka oo ka hadlayay sida  Ha’yadaha   gargaarka bixiyaa uga gaabiyeen wax u qabashada dadkaa ku soo qaxay Somaliland,ayaa yidhi. “Waad ogtihiin dunida marka qax ka dhaco ama barakac ka dhaco waxaa had iyo jeer u gurmada caalamka khaasatan ha’yadaha ka shaqeeya arrimaha Aaadaminimada iyo kuwa gargaarka fidiya waxaa soo baxday iyada oo kumanaanka qof ay joogaan Somaliland oo dadka reer Soomaaliya u badan in ha’yaddihii ay ka gaabiyeen kana joogsadeen inay dadkaa masaakiinta ah ee aan xoolana  wadan,  xoogna  wadan in ay quudiyaan ,oo ay Kaamam lagu hayo u sameeyaan oo wax siiyaan noloshoodana ay kafaalo qaadaan wey ka joogsadeen waanay ka gaabsadeen.”
Waxaani intaa raaciyay isagoo hadalkiisa sii wata. “Somaliland waa dawlad yar oo aan wali dunida laga aqoonsanin intii hore annaga la kacaa kufnay oo hayna waxa dambe ee soo qul-qulayase waa ay naga xoog badan yihiin ,oo weyn naga awood badan yihiin dhaqaale ahaan ta labaad waxaad la socotaan in caalamku wer-wer weyn ka qabo dhinaca nabadgaliyada ,oo dadkaa masaakiinta ah  ee qaxootiga ah ay ku dhuuntaan dad qas-wadayaal ah sidaas darteed caalamka waxaanu u sheegaynaa inta aanu ka helayno caalamka caawimo xaga nabad-galiyada ah oo aanu la kaashano dunida iyo inta loo helaayo dadkaasi waxay quutaan laga bilaabo maalinta berrito ah waanu joojinay qaxootigii ka imanayay dalka Yeman ,maadama dhinaca nabad-galiyada iyo dhinaca quudinta dadka reer Soomaaliya ee ha’yadduhu diideen inay wax siiyaan in aanaan qaabili Karin awoodna u heynin hadday tahay dhinaca ,Nabad-galiyada tahay iyo  haddii ay  noqoto dhinaca quudintaba sidaas darteed waxaanu caalamka u sheegaynaa inta hawlahaas laga xalinayo inaanu joojinay dadkii reer Soomaaliya ee ka imanayay dalka Yeman dekeduhuna ay ka xidhan yihiin ayaanu u sheegaynaa caalamka iyo dadka dhaqaaleeya ee ku shaqada leh qaxootiyda iyo dadka barakacayaasha ah ba.”
Waxaa kale oo Wasiir Warancadde  faahfaahin  ka bixiyay sida qaxootiga waddanka ku sugan ay gacan u siiso “Waxaad la socotaan in dawlada Somaliland gacmo furan ku soo dhaweysay dadkii qaxootiga ahaa dhibaatadii ka dhacday dalka Yeman awgeed ,dhalasha kasta ha lahaadaane dadka ka soo qaxaya dalka Yeman inaynu ku soo dhaweyno ,dakadaheenna iyo dhulkeenna wixii aynu tari karrona aynu tarro oo aynu qaabilo qaxootiga haddii ay yihiin Yeman haday yihiin Soomaali iyo hadday yihiin Itoobiyaanba iyo ciddii kale ee ka soo qaxay intaba dhab ahaantii dawladda Somaliland-na waxa ay ku soo dhaweysay gacmo furan maantana dalkeenna waxa jooga tiro badan oo illaa Saddex kun iyo dheeraada oo dadkii ka soo qaxay Yeman ah ,waxaana imika aanu filaynaa in ay maalinba maalinta ka danbeysa ay  ku soo qulqulayaan dalka Somaliland.
By: Khadar M. Xaashi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply