Cadhada Waxa Keena Qaybo Maskaxda Kamida Oo Dhinta

0
367

Koox saynis yahano ah ayaa cadeeyey in cadhada badan ay keento qayb maskaxda kamid ah oo dhimata,taas oo horseeda inuu qofku noqdo mid cadho badan,waxaanay qaybahaasi noqdaan kuwo kamida unugyada maskaxda ee yar yar ,kuwaas oo marka cadhada badan laga yimaado aan keenin xanuun aan la dareemi Karin.
Kooxdan saynisyahanadan oo ka socday jaamacadda Novosibirsk ee dalkaasi Ruushka ayaa sameeyey baadhitaano dheer oo ay ku sameeyeen dadka cadhada badan,kuwaas oo sawiro ka qaatay maskaxda dadkaasi qaar badan oo kamid ah,iyaga oo kooxaha ka qayb qaadanaayey u qaybiyey laba qaybood,kuwaas oo lagu samaynaayey tijaabada horena looga qaaday baadhitaano.
Sidoo kale waxay khubaradani baadhitaano ku sameeyeen dabeecadohooda,iyada oo la doonaayee in laysu eego marka hore dabeecaday lahaayeen iyo ta dambe,waxaa sidoo kale la eegaayey inay tahay cadhadani mid dhaxal ah oo ay ka dhaxleen qoysaskooda iyo in kale,taas oo ugu dambayntii keentay inay khubaradani ogaadaan inay jiraan unugyo kamid ah maskaxda oo dhinta ,kuwaas oo cadhada keena markay meesha ka baxaan.
Unugyadan ayaa kora xiliga hore ee ay unugyada jidhku samaysmaan ,sidoo kalena waxay dhintaan marka uu qofku dhasho kadib,waxaanay keentaa ugu dambayna inay dhintaan qaybo badan oo unugyadaas kamid ahi,kuwaas oo ay laayaan Protein ka loo yaqaano BDNF.
Ugu dambayna waxa gebi ahaanba meesha ka saara xubnahaasi Barootiinkan oo tirtira ,taasina waxay banaysaa qaybtoodii ,iyada oo cadho keenta ugu dambayntanta,iyaga oo xidhiidh weyn ka dhexeysiiyay cadhada iyo unugyada maskaxda ee bani’aadamka.
 

Leave a Reply