Guddi Wakiiladda Ka Tirsan Oo Majeertay Horu-socodka Haamaha shiidaalka Berbera

0
364

Hargeysa (Dawan) – Guddida hoosaadka ilaalinta iyo daryeelka hantida qaranka ee Golaha Wakiilada ayaa waxay markii ugu horaysay shaaca ka qaadeen in guud ahaanba Somaliland ka raysatay shirkadii maamuli jirtay kaydka haamaha shidaalka ee magaalada Berbera. Sidaa waxa sheegay Gudoomiyaha guddidaasi Md. Maxamed Cali Xirsi oo faah-faahin ka bixinaayay kulan ay guddidu la yeesheen Maareeyaha Haamaha shidaalka ee Berbera Saleebaan Siciid Cali.
 
Kulankaas xog-waraysiga ahaa ka dib waxa warbaahinta si wada jir ah ula hadlay Maareeyaha Kaydka Haamaha Shiidaalka Berbera Saleebaan Siciid Cali iyo Guddoomiyaha Guddi hoosaadka ilaalinta iyo daryeelka hantida qaranka Maxamed Cali Xirsi.
 
“Ka dib markaanu eegnay warbixintii uu na siiyay maareeyaha haamaha kaydka shiidaalku, ka dib markii aanu eegnay warbixintii aanu ka haynay, annagoo wax badan ka ogayn shirkadii TOTAL. Kaydka haamaha shidaalka waxa laga sameeyay horumar aad u badan, dhismaha xarunta, wadooyin loo dhisay, shaqaalle  badan oo maanta ka hawl gala Ha’yaaddaas iyo lacago badan oo ka soo xaroota kuna dhaca qasnada dawlada.  Waxaan halkan ka sheegaynaa ama ay nala tahay I nlaga raystay shirkadii TOTAL,”ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi.
 
 
Guddoomiyuhu  waxa uu maareeyaha kaydka haamaha shidaalka ku bogaadiyay sida uu uga soo jawaabay baaqii ahaa in uu horyimaado guddida ilaalinta iyo daryeelka hantida qaranka ee Wakiiladda, waxaanu yidhi “Waxa noo yimi oo aanu kulan is xog-waraysi ah la yeelanay maareeyahay kaydka haamaha shidaalka ee magaaladda Berbera. Waxaanu maareeyaha uga mahad-celinaynaa sida uu u aqbalay codsigii guddida ee ahaa in uu warbixin naga siiyo kaydka haamaha shidaalka ee Berbera.”
 
Xildhibaan Maxamed Cali isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu intaa ku daray “Maareeyaha waxaanu waydiinay su’aalo arrimaha kaydka shidaalka la xidhidhiidha waanu nooga jawaabay, haddii ALLE yidhaahdana waxaannu ku baaqan doonaa xarunta kaydka haamaha shidaalka ee magaalada Berbera.”
 
Mareeyaha kaydka haamaha shidaalka ee Berbera  Sheekh Saleebaan Siciid Cali,  oo ka hadlay kulankaas uu la yeeshay guddidaas waxa uu yidhi “Haddii aanu nahay masuuliyiinta kaydka haamaha shidaalka guul noo ah in aanu noqono kuwii ka soo baxa shaqadii ay qaranka u hayeen, tanina waxay nagu dhiiri galinaysaa in aanu qaranka u adeegno hantidana ilaalino guddida ilaalinta iyo daryeelka hantida qaranka waxaan ku boqaadinaynaa hawsha ay qaranka u ahayaan.”
 
Shirkadii TOTAL oo muddo aad u dheer gacanta ku haysay maamulka kaydka haamaha shidaalka ee Berbera ayaa madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu digreeto madaxweyne kaga wareejiyay hawshii kaydka shidaalka, isagoo u magacaabay hay’add madax banaan oo dawli ah.
Tan iyo intii maamulka kaydka shidaalka dawladu la wareegtay waxa wax-qabad la taaban karo laga qabtay horumarinta hawsha kaydka shidaalka, iyadoo dib u habayn balaadhan lagu sameeyay haamihii shidaalka oo aan muddo dheer la dayactirin. Waxa kale oo dib u casriyayn lagu sameeyay xaruntaas, iyadoo lagu soo kordhiyay shaqaale badan iyo dhismeyaal cusub.
Guddida hoosaadka ilaalinta iyo daryeelka hantida qaranka ee golaha wakiilada ayaa waxay mudooyinkii u dambeeyeyba kulamo kala duwan ku xog-waraysanayeen qaar ka mida masuuliyiinta kala duwan ee qaranka.
By: Jamaal C/raxmaan Macalin
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply