Koox Shufto Ah Oo Xisbiga WADDANI Samaystay Oo Dhaawacay Sarkaal Ka Tirsan Wasaaradda Daakhiliga

0
314

Hargaysa (Dawan): Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa samaystay koox dhalinyarro ah oo shufto ah oo weerara ciddii ka hor timaadda siyaasadda xisbigaas.
Dhalinyarradan abaabulan ayaa la sheegay inay dhammaantood isku ardaa yihiin Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, kooxdan ayaa xaruntoodu tahay xaafadda New Hargeysa ee caasimadda Hargeysa. Weerarkii ugu dambeeyay ee kooxdani fulisay waxay ku qaadeen habeenimadii  Salaasadii toddobaadkan Mustafe Aadan Cali oo ku magac  dheer (Wadda-arrin), oo ah sarkaal ka tirsan wasaaradda daakhiliga ee Somaliland.
Sida ay noo xaqiijiyeen dad goob-joog ka ahaa weerarka   kooxdan  oo ku hubaysnaa bakoorado  iyo mindiyo waxay ku qabsadeen meherad lagu caweeyo oo uu fadhiyay sarkaalkaasi oo mar ka tirsanaan jiray xisbiga WADDANI, balse dhawaan uga digo-rogtay xisbul xaakimka KULMIYE. Waxa la xaqiijiyay Mustafe Aadan Dhaawacyo noocoodu kala duwan yahay kaga yaallaan wejiga, lugta iyo kellida dusheeda.
“Waxaad tahay basaas siraha Cirro u gudbiya Wasiirka Arrimaha gudaha  iyo Habarjeclo.   waxaad jabsatay E- mailkii gaarka ah ee  Cirro, haddii aad faraha ka qaadi waydo xisbigayaga waanu ku khaarajinaynaa,”  iyo kuwo kale oo macno ahaan kuwaas la mid ah ayay si wadar ah ugu dhawaaqayeen kooxdaas maafiyada ahi intii uu socday gullufkii ay ku qaadeen ninkaas dhalinyarrada ah.
Mustafe Aadan waxa uu dacwad la xidhiidha weerarka lagu qaaday u gudbiyay ciidammadda baadhista dambiyadda ee CID-da. Weerarkan waxa ka horeeyay digniino isdabo-joog ahaa oo ay maalmo ka hor uga soo direen Telefoonkiisa gacanta, kuna war-geliyeen inuu gacantooda ku bixi doono. Waxaanay sheegeen inay weeraro noocan oo kale ah cashar ugu dhigi doonaan wax ay ku tilmaameen dabo-dhilifka dawladda.
Mustafe Aadan Cali, oo ka mid ahaa dhalinyarrada xisbiga WADDANI ayaa dhawaan salluugay siyaasadda xisbiga WADDANI, waxaanu ku dhawaaqay inuu ka baxay xisbigaasi kuna biiray xisbiga WADDANI, waxaanu ahaa taageereyaashii Wasiirka Daakhiliga.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply