Siduu U Cabiray Cadhadu Gabadhiisa u qabay?

0
405

Nin u dhashay dalka Japan oo da’diisu tahay 68 ayaa si  ka yaabisay bulshada u cabiray dareenkiisa ka dib dhimashada gabadhiisa.
Sida aya baahisay France Press shalay booliiska Tokoyo ayaa sheegay in odaygani uu dambaskii hadhaaga maydka gabadhiiisa soo qaaday isla markaana uu ku daadiyay goobaha xamaamyada magaalada Tokoyo.  Odayga ayaa sheegay inuu sidaasi u yeelay si uu muuujiyo nacaybka uu u qabay gabadhiisa iyo weliba inuu kala firdhiyo damabskeeda si ay caadbat u tagto.
Waxaana uu sheegay inay nolosha iskula dhibaatoodeen. Sababta odaygu ugu daadiyay dambaska oo lafo yaryar ku jireen xamaamyada ayaan markii hore la fahmin , ka dibna booliiska ayaa soo qabtay. Booliska ayuu u sheegay inay arintaasi ahayd muujinta nacaybka. Islaanta dhimatay oo 64 jir ahayd ayaa mudoo xanuun hayay. Madaxada cadaalada Japan ayaa ka tashanaysa sida laga yeelayo odayaga, madaama sharciga Japan uu mamnuuc ka yahay in dambaska haadhaga ah ee dadka dhintay ee la gubo aan lagu daadin Karin goobaha caamka ah.

Leave a Reply