Xukuumadda Somaliland Oo Ha’yadda UNFPA Ku Eedaysay In Tiro-koob ay wada Sameeyeen ay u Gudbisay Soomaaliya

0
528

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka qorshaynta qaranka  Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in macluumaadkii tiro koob ay dawladda Somaliland iyo UNFPA ay wada sameeyeen sannadkii 2013-kii ay Ha’yadaasi xogtii Somaliland u gudbisay Soomaaliya, taasi oo uu sheegay inay dhaawacayso wada shaqayntii ka dhaxaysay iyaga iyo ha’yadaas.
 
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu Wasiirku  shalay  soo saaray oo u qornaa sidan:-“Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo hay’adda Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ee UNFPA, ayaa iska kaashaday sahan loogu kuurgelaayo tirada dadka ku nool Somaliland sannadkii 2013. Dadkeenna in aynu tiradiisa iyo noloshiisaba xog ka helnaa waa muhiim, waxaynu u baahan nahay in aynu ogaano tirada dadka degmo kasta iyo gobol kastaba ku nool si aynu adeegyada bulsho sida Tacliinta iyo Caafimaadka ugu qorshayno.Sahanku wuxuu ka dhacay gobollada Somaliland oo dhan iyo deegamadiisa laga soo bilaabo Saylac – Dhahar ilaa Buuhoodle.
Cid Soomaaliya ka socota oo xog-ururinta Somaliland laga sameeyey ka qayb gashay ma jirto. Xogta la ururiyey iyo natiijada ka soo baxday waxa iska leh Somaliland cid kale oo sheegan kartaa ma jirto, ciddii sheegatana sheegashadeeda waxba kama jiraan.
Somaliland iyo hay’adda UNFPA waxay ku heshiiyeen in warbixin gaar ah oo koobaysa tiro-koobka Somaliland ay soo saarto, waanay fulisay.
Waxase nasiib-darro ah oo aannu aad uga xun nahay in hay’adda UNFPA xogtii Somaliland ay siisay Soomaaliya, kalana qayb gashay xaflad ay Soomaaliya ku sheeganayso natiijadii tiro-koobka Somaliand. Arrintaasi waxay saamaynaysaa wada shaqayntii Somaliland iyo hay’adda.”
 
Sidoo kalena, Wasiir Sacad oo isla shalay wargeyska DAWAN, wax ka weydiiyay mawduucan, waxa uu yidhi “Horta wax tiro-koob ah oo ay samaysay dawladda Xamar ma jirto  laba dal ayaynu kala nahay oo Somaliland iyo Soomaaliya ayaynu kala nahay, laakiin dalkeenna oo dhan ayay  iska sheegtaan   nimankaa Xamar jooga ee aan meelna ka talinin  qofkuna wuxuu doono ayuu iska odhanayaa marka uu xaqiiqda is diidsiinayo sheegashada tirakoobkuna waxay ka mid  tahay uun hadaladii ay iska odhan jireen,laakiin waxaa jira tirakoob qaran oo aynu dalkeenna ka samaynay  oo lagu tiro-koobay Somaliland oo dhan  kaasoo ay xukuumaddu fulisay nagana caawisay hay,addaUNFPA.”ayuu yidhi Wasiirku waxaanu intaa raaciyay isagoo ka hadlaya tirakoobka Somaliland laga sameeyay  goorta la soo bandhigayo iyo sababta UNFPA tirakoobkii ay wasaarada qorshaynta Somaliland wada sameeyeen ay qaybo ka mid ah Xamar  ugu soo bandhigtay. “Ha’yadaha qarramada  midoobay ee inala shaqeeyaa Soomaaliyana way ka shaqeeyaan markaa  tirakoobka  aynu dalkeenna ka samaynay waxaa naga caawinaysay  UNFPA sidoo kale waxay tirakoobyo ka samaysay  Soomaaliya oo ay kala ah koonfur iyo Puntland  dhibaatada jirtaana waxay tahay ha’yaduhu waxay inoola shaqeeyaan Soomaaliya qayb ka mid ah sababtoo ah caalamku inama aqoonsana markaa taasaa sababtay ayaan filayaa in xogta tirakoobkii ay naga caawinaysay UNFPA in ay qaybo ka mid ah ku soo bandhigto Muqdisho laakiin waanu kala hadlaynaa  si cadna waxaanu uga doonaynaa jawaab cad in ayka bixiso.
 
Waxaa kale oo aanu si  dhakhso ah u soo bandhigaynaa tiro-koobkii guud ee aanu ka qaadnay guud ahaan gobollada Somaliland oo illaa degmo degmo ku salaysan  taasoo ka turjumaysa xaqiiqada tiro-koobkeenna qaran ee dawladdu samaysay oo lixda gobolba laga qaaday.” Waxaannu intaa ku daray Dr Sacad isagoo hadalkiisa  sii wata “Xaqiiqaduwaxay tahay dalkani waa Somaliland,  dadkiisuna waa Somaliland hadal Xamar laga yidhina maaha mid innagu cusub in ay dalkeenna ku sheegtaan. laakiin   iswaydiintu waxay tahay horta maamulka Muqdisho lagu waardiyeeyaa tiro-koob ma samayn karaa.”
By: Faysal Xiis Weerar
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply