Badmareeno Reer Israel Ah Oo Lacag Dahab Ah Oo La Qiimayn Kari Waayey Badda Hoosteeda Ka Helay

0
314

Kooxo badmareeno ah oo u dhashay Israel ayaa badda Mediterranean ka hoosteeda ka helay lacag ka samaysan dahab oo ah nooc loo maleeyey in waqtiyo hore  la isticmaali jiray,waxaanay sheegeen in aanu jirin wax ku sawiran oo boqor ahi,sidoo kalena ay garan waayeen waxay ku sheegaan.
Kooxdan ayaa markii ay heshay waxay ku wargeliyeen kooxaha cilmiba badda iyo Ataarta qadiimiga ah ku shaqada leh,kuwaas oo meel lagu baadho keenay lacagtaasi,waxaanay sheegeen inay lacagtani tahay mid qaali ah oo aan la garan Karin wax lagu qiimeeyo.
Sidoo kalena waxay sheegeen inay u malaynayaan in baxaaridii hore u isticmaali jireen lacagaha noocan ah inay ku ciyaaraan Khamaarka,gaar ahaana dadka tijaarta ah ee maraakiibta saarani ay ahaayeen dadka isticmaali jiray,iyaga oo tilmaamay inay lacagtani tahay mid fudud oo aan lamid ahayn ta waqtigan la isticmaalo.
Marka dib loogu noqdo taariikhda lacagtan ,waxay tilmaameen khubarada baadhitaankeeda ku jirtay inay dib ugu noqonayso 9-11 sanno jir marka laga soo bilaabo  Ciise dabadii,sidoo kalena waxay sheegeen inay dhici karto inay lacagtan isticmaali jireen dadkii reer Masar,kuwaas oo u kala qaadan jiray cashuur ahaan,sidoo kalena laga isticmaali jiray Qaysariyya oo kamid ah dhulka Falastiin,iyada oo taariikh ahaan sidoo kalena ay dhici karto ayay yidhaahdeen inay dib ugu noqoto dawladii Faadimiyiinta ee Masar ka talin jirtay.
Lacagtan ayaan ilaa hadda si rasmi ah loo shaacin meeshay kazoo jeedo,iyada oo ay socoto baadhitaankeedu,waxaana laga yaabaa in loo qaado maskax ku yaala dhulka la haysto ee Falastiin.
 
 


 

Leave a Reply