Mid Kamida Godadkii Ka Dilaacay Dhowaan Wadanka Ruushka Oo Sii Balaadhanaaya

0
381

Saraakiisha wadanka Ruushka ayaa sheegay in mid kmaid ah godad dhowaan ka dilaacay meelo kamid ah miyiga wadanka Ruushku uu noqday mid marba marka ka dambaysa sii balaadhanaay kuna sii fidaaya degaano ka baxsan meesha uu ka dilaacay.
Godkan ayay sheegeen saraakiishaasi inuu dilaacay muddo laga joogo saddex bilood,kaas oo waqtigan sii balaadhay gaadhayna meelo aanu hore u joogin,isaga oo ku yaala gobolka lagu magcaabo Perm ee dalkaasi Ruushka oo uu ka dilaacay bishii February 17-keedii sannadkan aynu ku jirno.
Balaca godkan ayaa noqday markii ugu horeysay 5 Meter,kaas oo noqonaaya godkii shanaad ee laga helo gobolkaasi qarniyadii ugu dambeeyey.
Andrei Rodionov oo kamid ah madaxda gobolkaasi ,sidoo kalena ku takhasusay cilmiga Geological ka ,kana mida xarunta cilmigaasi ku shaqaysa ee Uralkaliy  Center ayaa sheegay inay waqtigan gaadhay godkaasi balaadhkiisu 22 Meter,kaas oo hoosna u gotay oo ka gaadhey dherer gaadhaaya  ilaa 9 Meter.
Godkan ayaa ku yaala ama ka dilaacay magaalada lagu magcaabo Perezniki oo ah magaalada labaad ee ugu weyn gobolkaasi Perm ,taas oo dadkeedu gaadhaan 155,000 oo qof,taas oo qani ku ah curiyeyaasha Potassium iyo Magnesium ,waxaanay sidoo kale magaaladani u ahayd hoy madaxweynihii hore ee wadankaasi Ruushka Boris Yeltsin.
 
 


 

Leave a Reply