Kalgacalka Ayaa Keena Guusha Iyo Hantida

0
385

Markii ay gurigeeda ka soo baxaday ayay aragtay saddex oday oo hor fadhiya  oo aanay garanayn. Waxayna ku tidhi soo galla aan raashin idiin siiyee, iyadoo u malanaysay inay yihiin kuwo masaakiin ah. Waxay ugu jawaabeen ma jooga Odaygii guriga, waxayna ugu jawaabtay maya. Iyana waxay ku celiyeen Ma gelayno ilaa uu yimaaddo.
Markii uu yimi odaygeedii ayay u sheegtay, waxaana ku yidhi u yeedh aan raashin siinee.  Markii ay u sheegtay in odaygeedu u yeedhayo.
Sadexda oday ayaa ugu jawaabay anagu guryaha ma w ada galno , ee magacayada waxa la kala yidhaahada isagoo farta ku fiiqiya saaxiibkii kan waa “ Qaninimo” , kana waa “ Guul” aniga waxa la i yidhaahda Kalgacal, haddaba kayeega soo galla. Odagyeedii ayay ku noqtay oo u sheegtay, si dhib yar ayuu ku yidhi u yeedha “ Qaniimo” aan taajiriin noqone “, laakiin gabadhiisa ayaa tidhi maya “ aan uyeedhno “ Guul” si aan u guulaysano” Inantood ayaa maqashay oo ku tidhi inoogu yeedha Kalgacal aan iswada jeclaane , markaasi ayaan wax qabsan karaa , sidaasi ayay isku raaceen.
Markii ay gabadhii ku noqotay ee ay u yeedhay kalgacal ayay labadii kale soo raaceen. Waxayna tidhi maya isagoo qudh ayaan u yeedhanay, Iyagun waxay ugu jawaabeen haddii aad isaga u yeedho ma kala hadhno, waanu iswada racnaa. Laakiin haddii labadayadan kale aad midkood uyeedho waan kala hadhnaa . Xikmaduna waa kalgacalka dadka ayaa keena guusha iyo qanimada. Waana inaad kasbato kalgacalka dadka kale.
 

Leave a Reply