Kooxda Sharci-darrada ah Ee Madasha Oo Aflagaadeeyay Golaha Guurtidda Iyo Ha’yadaha Dastuuriga ah

0
414

Hargeysa (Dawan)- Kooxda sharci darada ah ee la baxday Madasha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka ayaa si indho la’aana u aflagaadeeyay Golaha Guurtidda Somaliland oo ay xaqireen kaalintooda wax ku oolka ah ee ay kaga jiraan adkaynta nabad-gelyadda wadanka.
Sidaasna waxay ku sheegeen shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaaladda Hargeysa. “Dastuurka waxa ku jira in Golaha Guurtidu nabada ka shaqeeyaan,  nabad ay ka shaqeeyeenna lama hayo. Bariga intaas ayay xabadi ka socotay waxba kamay qaban.  Waxa la maqlaa Guurtida,  marka laga hadlayo muddo kordhin waxa aynu ognahay hay’adihii dastuuriga ahaa ee dalku ku taagnaa xeer dejinta fulinta iyo Garsoorka saddexdiiba fulin ayay isku noqdeen,”Ayuu yidhi Guddoomiyaha Madasha Xasan Guurre.
Xasan Guurre waxa kale oo uu ka dar-daar weriyay heshiiska saddexda xisbi qaran iyo xukuumaddu ka gaadheen khilaafkii ka dhashay dib u dhicii ku yimid doorashooyinka Wakiiladda Iyo Madaxtooyadda, waxaannu yidhi “Waxa aanu leenahay heshiiskii dadka loo sheegay ee saddexda xisbi gaadheen. Ma saldhigin, waxa uu doono ha ahaado xalaal iyo xaaraan toona ha ahaadee sidii labada xisbi isku ogan may ahayn in doorashada oo kaliya laga wada hadlo.Mashaakilka kale ee u yaalla in laga wada hadlo ayaan isku ogayn oo aan qabno in aan xisbi kaligii samaynayn.  Waxaanay inkireen awooda dastuuriga ah ee Golaha guurtidu u leeyahay in muddo kordhin u samayn karaan xukuumadda iyo Golaha Wakiilada.”
.
Guddoomiyaha Madashu waxa  ay  mar kale ku celiyeen baaqoodii  qaran-dumisnimada ahaa ee ay hore u sheegeen ee la xidhiidhay in marka la gaadho 26-ka June 2015 aanay dalka ka jirin wax dawlad ahi, taasina waa mid xad-gudub ku ah qaranimadda Somaliland.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply