Marwadda Koowaad Oo Ka Xog-warantay Nolosheedii Caruurnimo Iyo Waayihii Siyaasadeed Ee Madaxweyne Siilaanyo

0
454

Hargeysa (Dawan):- Marwadda koowaad ee Somaliland  Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde, ayaa ka warantay sidii Madaxweyne Axmed Siilaanyo  xiligii uu ka mid ahaa golihii Wasiirrada ee dawladdii Siyaad Barre sidii uu uga dhiidhiyi jiray   ugana soo horjeeday  xadgudbyadii iyo caadiskii lagu hayay shacbiga Somaliland.
 
Marwadda koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Waris  waxay arrintaasi kaga hadashay waraysi dheer oo ay siisay  Weriye Nimco Cumar Maxamed (Nimco Samriye) oo ka tirsan TV-ga madaxa banaan ee Horn  Cable. Waxa kale oo ay kaga hadashay waraysigaasi marxaladiheedii caruurnimo, aqoonteedii iyo qoddobo badan oo xiiso badan.
 
Marwo Aamina Waris waxay si kor ka xaadis ah u sharaxday heerkeedii tacliimeed iyo guulihii ay ka gaadhay waxbarashadda, waxaanay tidhi “Anigu waxaan ka mid ahaa hablihii u horeeyay ee Somaliland ku bar-baartay ee dugsi waxbarasho loo bilaabo, dugsi boodhin ah ayaa anigoo aad u yar la igeeyay oo aan ka bilaabay Burco. Markii hore waxa la doonayay in lagu daro walaashayda iga weyn, markaa markii ay diiday walaashay ee ay baqatay ayaa walaalkay Alle ha u naxariistee Cali Jirde oo aniga illaa yaraantaydii masuul iga ahaa ayaa yidhi Aamina ayaa lagu darayaa.
 
Markii aan iskuulkaas dhammeeyay fasalkii 7-aad laba kooxood ayaa ardaydayadii laga dhigay oo kuwii Sayniska ku fiicnaana waxa la yidhi Nursing (kalkaaliyecaafimaad) ayaa la barayaa, kuwii Arts-ka ku fiicnaana waxa la yidhi Macalinimo ayaa la barayaa. Nalama waydiin berigaas maxaad doonaysaan inaad barataan? Waayo dalka oo dhan ayaa baahida waxbarasho qabay. Anigu markaas kuwii kal-kaaliyeyaasha caafimaad loo doortay ayaan ka mid ahaa, dabadeedna Ingiirska ayaa la ii diray anigoo yar ayaan Ingiriiska tagay  markii la I geeyay iskuul caadi ah oo  (A) level ah ayaa nala geeyay 18 bilood.
 
Iskuulkii markii aan dhammeeyay waxaan jaamacadii ku sameeyay kal-kaaliye caafimaad iyo umulisonimo shan sannadood iyo badh ayay igu qaadatay. Markii aan soo noqday Somaliland kuma aan soo noqon Xamar ayay dadkeenna oo dhammi u wada guureen, dadkeenuna had iyo jeer meesha  caasimadda ah ayay qadariyaan. Markaa waxaan ka shaqeeyay machad lagu baran jiray kalkaaliyenimadda iyo guud ahaan caafimaadka oo aan ku xigeen u noqday haweenay Australian  ahayd. Markaa  ka dib walaalkay ayaa xanuunsaday oo qaliin wadnaha ah lagu sameeyay, waxaanan intaa ka dib u wareegay oo aan gacanta ku hayay ganacsigii walaalkay Cali Jirde.”
 
Marwo Aamina Waris waxay ka sheekaysay dhaqankii siyaasadeed ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo xiligii ay isguursadeen, waxaanay tidhi “Inyar ka dib-ba markii aan soo noqday waxaanu is guursanay Axmed (Madaxweynaha Somaliland) annagoo labadayaduba dhalinyar ahayn, markaa anigoo arrimihii ganacsiga ka shaqeeya ayay arrimihii Soomaaliya xumaadeen oo cadaadis faro badan lagu sameeyay dadka.
 
Anigu markii aan isguursanay madaxweynaha waxa uu ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda Qorshaynta Soomaaliya. Annagoo is qabnay illaa lix bilood ayuu dhacay Inqilaabkii Soomaaliya ka dhacay  ee uu Siyaad Barre, markaa waxa uu ka mid ahaa dhalinyarro faro-badan oo xiligaasi Wasiirro laga dhigay, isaga (Madaxweynaha) wakhtigaas Wasaaradii uu Agaasimaha Guud ka ahaa ayaa looga dhigay Wasiir ahaa.
Xilligaa ummad badani way ogayd waxa uu ahaa kuwa ugu hadalka cad dhinaca difaaca cadaadiskii lagu hayay Somaliland isagoo Wasiir ah. Axmed-na (Madaxweynuhu) waxa uu ku jiray dadka uu ugu ixtiraamka badnaa  ee Siyaad Barre ixtiraami jiray. Waxa uu ahaa Axmed Siilaanyo nin mutacalim ah oo isku kalsoon.
 
In badan ayuu Siyaad Barre ergooyin niman odayaal ah u soo diray oo uu yidhi inankaasi wuu igu hadal kulul yahay. Khudbadaha Siyaad Barre wakhtiyadaasi isaga ayaa qori jiray waxa uu ahaa nin waxtar badan. May jirin xili uu Siyaad Barre dibada u baxayo oo aanu kaxayn jirin Axmed Siilaanyo. Marka Golaha la joogo Wasiirrada kale isaga ayay ku dayan Jireen. Nin oday ah oo dadkeenna ayaa noo yimid waxa uu yidhi Siyaad Barre ayaa iga kaasoo ashkateeyay oo yidhi Axmed wuu igu kulul yahay ee hadallada ha iga dhimo, waxay ahayd wakhtiyadii Shacbiga Somaliland-na lagu soo kululaynayay cadaadiskii lagu hayay.”
Marwada Koobaad  oo  ka hadlaysa jawaabtii uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo xilligaa odaygii  Siyaad Barre ergada u soo dirtay  ugu jawaabay ayaa tidhi. “Markii uu dhegaystay odaygii ee uu hadalka u dhameeyay  ayuu ku yidhi. adeer markii aad idinku dadka u hadlayseen ee aad badbaadada ummadda ka shaqaynaeen iyo wax u qabad kooga annaga ayaa imika idinkala wareegnay oo da’dayada ayaa   imika xilku na saaran yahay.   markaa anigu imika xadhig kama baqo oo masuuliyad baa I saaran anaguna markii aanu yar yarayn idinka ayay masuuliyaddu idin saarnayd  markaa imika idinka idinma lihin banka is keena oo soo badheedha oo dhibi ha idin gaadho laakiin annagu  dhalinyaraanu nahay oo diyaar ayaanu u  nahay ee na daaya oo noogu duceeya.” Ninkii intuu garawsaday ayuu yidhi Illaahay ha idinku garab galo.”
Waxaanay intaa sii raacisay. “Markaa Axmed waxaa uu ahaa wasiirka Ganacsiga oo waxaa laga soo bedelay qorshaynta waxaana xilligaa sii batay cadaadiska lagu hayo  waqooyiga (dadka reer Somaliland) dadkiibaa aad loo xidh xidhay gabacsigiibaa laga joojiyay  waxaana la yidhi qofkii doonaya in uu wax diraa Xamar ha u doonto waraaqdii uu wax ku diri lahaa oo  Hargeysa lagama helayn markaa cadaadiska lagu hayay  waqooyiga  oo dhami Axmed  halkan(Muqdisho) ayuu ugu imanayay,Axmed isagoo markaa aad uga dagaalama isagoo kaliya maahee  isaga iyo raggii kale ee halkaa joogayba oo ay ka mid ahaayeen ILLAAHAY ha unaxariistee Ibraahin Maygaag Smatar  iyo rag badan oo kale oo aad u qiimo badnaa oo aanan imika halkan magacyadooda ku soo koobi karin ayaa lagu kacay oo waxa sidii cunsuriyad oo kale ah lagala hor yimid  iyadoo la leeyahay waqooyi oo kaliya ayaad wax u qabataan.
 
Markii uu kordhay cadaadiskii  ee halkanna (Somalilnad) kacdoonadu ka bilaabmeen ee dhalinyaradii UFO la xidh xidhay ayuu Axmed isagoo markaa wasiirka ganacsiga ah  goostay. Markaa Axmed iyo rag badan oo kale oo  Xamar joogay way tashadeen waxaanay  yiddaahdeen intii aynu halkan ka qaban karaynay waynu qanabay  markaa waxay goosteen iskuna raaceen in halgankii hubaysnaa ee London lagaga dhawaaqay in ay xoojiyaan Axmed-na wuxuu ka mid ahaa  raggii  aan ciidanka ahayn ee ugu horreeyay ee goostay ”.
 
Aamina weris oo  ka hadlaysa sidii uu uga goostay Madaxwayne Axmed Siilaanyo taliskii Siyaad Barre ee uu dalka Muqdisho uga baxay waxay tidhi.  “Wuxuu ku baxay in uu ka qayb galo shir  heer Wasiir ah oo ka dhacayay dalka Sucuudiga markaa Siyaad Barre dalka wuu ka maqnaa oo Maraykan ayuu joogay  hadduu joogana uma uu ogolaadeen in uu baxo laakiin Cali Samatar oo Madaxweyne ku-xigeen ahaa ayuu u sheegay shirka uu tegayo waanu u ogolaaday intaa kadib wuxuu qorsheeyay  in aanu bixin aniga iyo carruurta oo joogna Muqdisho waxaanay isaga iyo walaalkay ka hawl galeen sidii aanu horta  aniga iyo caruurtu u bixi lahayn  wakhtigaasi oo  caruurtayadu aad u yar yarayd oo ka ugu weynu uu jiray lix sano  ilmaha iigu yarina todoba bilood. Waxay muddo yar oo kooban   oo dhawr maalmood ah ayay noogu soo saareen fiisihii London markaanu aniga iyo carruurtu tagnay laba cisho ka dib ayuu Axmed-na shirkii u dhoofay markii uu ka qayb galay ee uu warbixintii ka soo baxday iyo wixii uu ku saabsanaaba dhameeyay ee uu diray xubnihii la socday ayuu wada tashi badan  la yeeshay   dadkii reer Somaliland ee halkaa joogay una sheegay in aanu ku noqonayd  dawladdii Siyaad Barre ayuu London noogu yimid.
Markaa  sidaasuu noogu bilaabmay halgankii dalka lagu xoraynayay aniga iyo Axmed-ba  waxaanan ilaawayn oo xasuus dheer igu leh Faadumo oo carruurta ila korisay oo aanan la’aanteed isku wada kareen in aan shaqeeyo marna jaamacad dhigto marna caruurta koriyo.”
Mar ay ka hadlaysay  markii Axmed Siilaanyo Madaxwaynaha Somaliland uu  ka goostay nidaamkii Siyaad Barre ee uu London ugu tegay qoyskiisa iyo hawlihii halganka  halkii uu ka bilaaabay waxay tidhi.
“Markii Axmed London noogu yimidba waxaa la xidh xidhay Cumar Carte  Ismaaciil Cali Abokor iyo rag kale oo badan Axmed markaa wuxuu u hawl galay dacwadii uu ka gudbinayay Xukuumaddii Siyaad waxaanu waraaqo  iyo warbixino  u gudbiyay Geneva iyo Qaramada Midoobay intaa ka dibna waxay isu tageen Ibraahin  Maygaag Samatar  (AUN) oo isna markaa macalin jaamacadeed ka ahaa Swisserland   waxaanu u soo guuray Ibraahin Maraykanka si  uu halkaa   uga wado arrimaha SNM iyo halganka Axmed  Ingiriiska iyo dalalka u dhaw dhaw ayuu masuul uga noqday halganka.”
La soco qaybo kale oo waraysigan ka mid ah oo aad u  xiiso  badan iyo dhacdooyin taariikheed.
By: Cumar M.Faarax

Leave a Reply