Dhibaatada Dhaqaalle Ee Isticmaalka Lacagaha Aan Sharciyeysneyn! Qeybtii 2aad

0
472

“Dhibaatadda Dhaqaalle Ee Isticmaalka Lacagaha Aan Sharciyaysnayn”Waa qormo taxanne ah oo si joogto ah ugu soo bixi doonta wargeyska DAWAN iyo mataantiisa The Horn Tribune, waxaanan ku faaqidi doonaa mushkiladaha ka dhasha isticmaalka lacagaha la iskaga xawilo Telefoonadda gacanta.

Seyladaha suuqa madow asbaabaha loogu bixiyey waxa ka mida, iyadoo dhammaan lacagaha ku dhex wareega Seyladaha lacagtu yihiin kuwa had iyo goor baal-marsan shuruucda lagu kantaroolo, laguna ilaaliyo lacagta Qaranku leeyahay ee lagaga dhaqmo dal, isla markaana aanay  war iyo wacaal ka hayn hay’adihii ku shaqada lahaa sida Baanka dhexe ilaalinta wareegga lacagaha ee Seyladaha.
Geesta kale marka uu hoos u dhac badani ku yimaado lacagta Qaranka, waxyaabaha kale ee uu sababo waxa ka mida iyadoo si   ula-kac ah loo yareeyo ama loo abuuro xaddiga badeecadaha ee la gelinayo Seyladaha, si loogu iibiyo lacag aad qiimo ahaan uga badan tii hore loogu iibin jiray badeecadaha kala duwan. Dhaqdhaqaaqyada lacageed ee lagu isticmaalo Telefoonnada gacantu mar haddii aanay waafaqsanayn nidaamyada iyo shuruucda kale ee Qaran kasta uu ku ilaaliyo qiimaha iyo nidaamka wareegga lacagta ee Seyladaha, waxa ay lacagaha loo yaqaan “Mobile money-gu” la mid yihiin kuwa foojariga ee suuqyada lacagaha la geliyo.
Tallaabooyinka aan soo tilmaanay haddii ay isticmaalkoodu ka dhaqan galaa dal, waxa uu cawaaqibkeedu noqdaan in mar walba qiimaha ascaartu kor uun u sii kacaan waqti kasta, sidoo kalena uu hoos u sii socdo qiime dhaca lacagta dalkaasi leeyahay ee rasmiga.
Qiimaha badeecadaha ee kor uun u sii socda iyo qiime dhacaa lacagta ee hoos uun u sii dhacaya ee ka dhashay lacagaha bilaa sharciga ee aan wax xasaanad ah lahayni, waa kor u kac iyo hoos u dhaca aan duruufo dhaqaale ku salaysnayn, balse ah kuwa khiyaali ah oo saldhigoodu yahay,laguna tilmaamo shabakado ama mareego musuqmaasuq oo dal  ka dhex taagtay  taandho.
Sicir-bararka iyo Seyladaha suuqa madow ee dal ka jira, waxa si gaara ah uga faa’iidaysta dal kale, kaasoo soo geliya Seyladaha dalkaasi badeecado ka qiimo jaban kuwii qaaliga ahaa ee hore looga isticmaali jiray dalkaasi, balse tayo ahaan aad uga hooseeya. Badeecadahan kala duwan ee tayadoodu aadka u liidato ee ka qiimo hoosaysa kuwii hore ee dalkaa laga isticmaali jiray, waxa dhinacooda u soo leexda dadweyne u badan kuwa saboolka ah  iyo kuwa kale ee dirqiga ku soo xoogsada dhaqaale aan si fiican u dabooli karin  noloshooda iyo xataa kuwa noloshoodu meel dhexaadka ku dhow dahay, sidaa ayeyna Seyladaha wax kala iibsiga oo dhan  ku qabsadaan badeecadaha aan tayada lahayni.
Arrintan oo ah ta dalkeenna haysata tobankii sanno ee u dambeeyayey, waa ta sababtay inay sii wiiqdo dhaqaale ahaan iyo caafimaad ahaanba bulshada reer Somaliland, isla markaana xukuumadihii kala dambeeyay ku jahawareereen furdaaminteeda, geesta kalana shacbigu sida joogtada ah uga cawdo tayo xumada badeecadaha dalka la keeno nooc kasta oo ay yihiin oo illaa dawooyinku ku jiraan.
Isticmaalka dhaqdhaqaaqyadan ganacsi iyo lacageed ee wada foojariga ahi, waxa ay ka mid yihiin arrimaha bilowga ah ee loo tiriyo inay sabab u yihiin lacagaha faalsada ah ee ta “Mobile money-ga” ee dalkeenna sida xad dhaafka looga isticmaalaa ku jirto.
Haddaba waxyaabahan oo kale hadday dal ka dhacaan oo uu Baanka hawshaa u xilsaarnaa uu xog buuxda ka helo isticmaalka  qaabka foojariga wareegga lacagaha, in shirkadaha ama ganacsatada qaar ka bilaabeen dalka,  waxa uu Baankaasi markaaba si degdeg ah u soo qabtaa cid allaale iyo ciddii gacanta kula  jirtay arrimahan, iyadoo uu kala wareegayo dhammaan hantidii lagu dhacay lacagaha foojariga ah oo aan celis dambe lahayn iyo in la mariyo sharciga dalkaasi. Sidoo kale wixii  xidhiidh ah ee qaabkaa faalsada ah ay ganacsatadu kula galeen ashkhaastii ama shirkadihii gacanta kula jiray dhaqdhaaqa lacagahaa foojariga ah ee xisaabahooda ugu jiray amase lacagaha ku jiray wareegga Seyladaha ee la helo,  iyagana wax magdhaw ah kama siiso dawladda dalkaasi. Hase yeeshee waxa ay ka codsan karaan ganacsatadu dawladda inay ka helaan isticmaal lacag aanu qiimaheedu sabbeynayn, si ay iskaga ilaaliyaan khasaare badan oo ka soo gaadha hoos u dhac qiimaha lacagta ee dalkaa ku yimaada una socda si xawli badan.
Lacagaha faalsada ah ee tan “mobile money” ka midka tahay, waxa ay dalalka qaarkood ku isticmaalaan dal kale, iyadoo ujeeddadoodu tahay inay ka burburiyaan dalkaasi xagga dhaqaalaha iyo siyaasaddaba.
la soco Q/3aad

Leave a Reply