Maraykanka iyo Weerarka Internetka

0
312

Aqalka cad ee Mareykanka waxa uu sheegayaa in dadka Amerikanka ah ay wajahayaan “cadow quus ah” iyo “Khatar abid jireysa” marka laga hadalayo amniga internetka.
Waxa hadalka uu daba socdaa kaddib weerarkii ugu weynaa oo kumbuurada dowladda lagu qaaday, taas oo lagu jabsaday xogta daahsoon ee qiyaastii 4 milyan oo shaqaale.
FBI-da waxa ay hadda baadhayaan cidda ka dambeysay weerarkaasi, kaas oo Shiinaha ay iska fogeysay ku lug lahaanshihiisa.
Weerarka waxaa uu dhacay bishii April, waxaana la arkay budhcadda internetka, kuwaas oo hantiyay hanaanka technology-yadda ee xafiiska maamulka shaqaalaha, taas oo u shaqeyneysay sida waaxda qorsheynta ee dowladda federaalka oo dhan.
Aqalka cad waa uu ka gaabsaday inuu ka hadlo sheegashada ah in Shiinaha lagu eedeeyo weerarka, waxa ayna taasi bedelkeeda tilmaameen in Mareykanka uu wajahaayo wax ay ku sheegeen “codow quus jooga”.
Su’aasha ah yaa qaaday weerarkana waxa ay tilmaameen in ay baadhayaan FBI-da.
Afhayeenka aqalka cad ayaa sheegay in madaxweyne Obama uu dhowaanahan soo bandhigaya dhaqdhaqaaqa shiinaha ee saaxadda internetka ay walaac aad u weyn tahay.
 

Leave a Reply