Xisbiga talada haya ee Turkey AK party ayaa u muuqda inuu waayayo aqlabiyadii baarlamaanka, sidaasna waxa sheegaya warbixinaha hordhaca ah.
Waxa kale oo ay sheegayaan in uu xisbiga taageerada ka haysta Krdishka ee
HDP isna la filayo inuu kor u soo kaco oo uu helo kuraas door ah markii markii u horeysay.
Iyada oo 90% codadkii la tiriyay ayaa xisbiga AKP ka helay codadkii la bixiyay 42%, sidaasna waxa sheegay Turkish TV stations.
Haddiiba sidaasi ay xaqiiqowdo waxa ay natiijadu soo afjari doontaa 13 sano oo xisbiga keliya uu talada ku soo hayay AKP, waxaanay wiiqaysaa qorshihii madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ku doonayay inuu ku mballaadhsado awoodihii xafiiska.
Madaxweyne Erdogan, oo markii u horeysay awooda ku yimi isaga oo ah ra’iisul wasaare sannadkii 2003, ayaa raadinaya inuu helo aqlabiyad saddex laba dalool ah si uu ugu beddelo Turkiga Jamhuuriyad madaxtooyo.
Sida wararka telefishanadu sheegayaan xisbiga AKP ee talada haya ayaa koobsadey 263 kursi oo uu ka helay baarlamaanka oo tiradiisu tahay 550 mudane,halka xisbiga ku soo xigaa yahay CHP, balse xisbiga taageera Kurdishk A MHP ka helay 75 kursi.