Masar Meelo Ka mid Ah Oo Laga Helay Ataar Qadiimi Ah Oo La Yaab Leh

0
439

Wadanka Masar ayaa laga helay lix kamid ah waxyaalihii laga sameeyey dadkii hore ee halkaasi deganaan jiray ama ku noolaa,gaar ahaana boqorkii 26-naad ee Fircooniyiinta.
Wasiirka Hindaha iyo dhaqanka ee dalkaasi Masar Mamdouh Dmati ,ayaa sheegay in xabaalahani ay yihiin kuwo dadka ku jira lagu aasay sannadihii 664 illaa 525 BC,waxaanu sheegay in xabaal kastaa ay ka kooban tahay afar qol,waxaanu intaas ku daray in xabaalahaasi mid walba laga helay wax yar oo uu sheegay in laga yaabo inay caabudi jireen.
Wasiirka ayaa sheegay in tani tahay markii ugu horeysay ee ay khubarrada Sayniska ee dalkaasi Helaan xabaalo sidan oo kale ah ,gaar ahaana da’ahaan jira  waqti dheer oo ay ku aasan yihiin boqoraddii 26-naad ee boqortooyadii Faraacidu.
Waxaana la filayaa inay tani ka caawiso khubarrada ku hawlan arrimahan inay ogaadaan waqtiga iyo xadaarada xabaalahan lagu aasay dadka oo ay  jireen dadka halkan degani.
 
 
 

Leave a Reply