Haamo Shidaal oo Gubanaya

0
528

Shaqaalaha Gurmadka degdaga ah ayaa ku hawlan dab ka kacay duleedka magaalada Kiev, ee dalka Ukraine. Kaddib markii uu qaraxwayn ka dhacay meel shidaalka lagu kaydiyo.

Saraakiishu waxay sheegaan in ay gubanayaan ugu yaraan sideed haamood oo shidaalka lagu kaydiyo midkastana uu qaado ilaa 900 oo Cubic Meter.

Dabka ayaa bilawday Isniintii.

Wasiirka arrimaha gudaha Arsen Avakov ayaa tweeter-kiisa ku soo qoray in uu qarax ka dhacay kaydka shidaal oo u dhaw Vasylkiv. Qaraxuna uu ahaa mid wayn.

Saddex ka mid ah dab damiska ayaa la la yahay, lix kalana isbitaalka ayaa loo qaaday sida ay saraakiishu sheegeen.

Dad dhaawac ah ayaa lagu dawaynayaa isbitaalada iyaga oo qaarkood ay gubteen qaarkoodna ay sumoobeen.

Dabka ka kacay kaydka oo ku xiga garoonka diyaaradaha Hlevakha, ayaa holac iyo qiiq ku sii daayay deegaanada ka agdhaw.

Dabka ayaa ka kacay haan shidaal habeenkii isniinta wuxuuna u sii gudbay haamihii kale ee ka agdhawaa sida uu sheegay wasiirka arimaha degdag ah.

 

Leave a Reply