Wasiir Shahaadadiisa Jaamacadda Su'aal la Galiyay

0
412

Booliska caasimadda India ee Delhi ayaa xabsiga dhigay wasiirka magaaladaas u qaabilsan sharciga, iyada oo uu jiro tuhun ku saabsan in shahaadadiisa cilmiga sharciga ay been abuur tahay.
Jitender Singh Tomar ayaa lagu eedeeyey khiyaano iyo been abuur, ka dib markii uu soo baxay shaki ah, inuu shahaadada jaamacadda ku dhameeyey gobolka Bihar.
Tomar wuxuu ku adkaystay in eedeymahaas aysan sal lahayn.
Xubno ka tirsan xisbigiisa Aam Aadmi, oo loogu codeeyey awoodda Delhi, ayadoo loo igmaday in ay la diriraan musuqmaasuqa ayaa ku eedeeyey kooxaha ay siyaasadda isku hayaan in ay aargoosi u maleegeen wasiirka.
 

Leave a Reply