Sigaarka Baytariga ku Shaqeeya oo laga Mamnuucayo Wales

0
404

Dadka waxaa laga mamnuuci doonaa in ay sigaarka Elektarooniga ee baytariga ku shaqeeya ku isticmaalaan makhaayadaha, baararka iyo goobaha shaqada ee Wales, sharci cusub oo dhanka caafimaadka ayaa sidaasi dhigaya.
Sharcigan oo laga yaabo in uu dhaqangalo sanadka 2017-ka, ayaa dhaliyay aragtiyo kala duwan oo ay qabaan qaar ka mid ah ururada caafimaadka iyo dhakhaatiirta, iyo waliba dadka u ololeeya in sigaarka la joojiyo.
Lakiin wasiiradu waxa ay sheegeen in halista la xakamaynayo arrintaasna ay ka hortagi doonto in caruurtu ku neefsadaan oo ay jiidaan hawo sigaar la socdo.
Sharcigan cusub waxa uu dhigayaa in ruqsad ama ogolaansho loo qaato sawirada jidhka lagu xardho.
 
 

Leave a Reply