Madaxweyne Ku Xigaanka Oo Dawladda Imaaraadka Ugu Baaqay Hindise Dan u Ah Iskaashiga Labada Dal

0
394

Hargeysa (Dawan)-Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Dawladda imaaraadka carabta ugu baaqay inay fiiseeyaan baasaboorka Somaliland si uu iskaashiga ganacsiga iyo is dhex galka labada bulsho u noqdaan qaar waxtar leh.
Madaxweyne Ku xigeenku waxa kale oo uu sheegay inay Somaliland leedahay deegaan balaadhan oo xeeb iyo  dhul kaleba iskugu jira oo ku wanaagsan dhinaca dalxiiska, waxaanu sidaasi ka sheegay  xaflad shalay lagu daah-furayay  diyaarad cusub oo duulimaadyo ka bilaabaysa Madaarka Hargeysa.
 
“Waxaan leeyahay dawladda Imaaraadka carabta inay  baasaboorka dalka  Somaliland fiiseeyaan. Haddii dadweynaha Somaliland ay ganacsi  u tagayaan iyo haddii ay caafimaad u tagayaan-ba, waayo ganacsato badan oo reer Somaliland ayaa Dubia isticmaala waana meel aad u qiimo badan oo ganacsi  ka jiro oo nolosheennu 60%  ku tiirsan tahay, Somaliland iyadoo la ogyahay in aynu nahay dal aan la ictiraafsanayn hadana baasaboorada dalal badan oo aan la ictiraafsanayn  waa lagaga degaa Dubia kuwaas  ayaan ka mid  noqonaynaa inta ictiraafka la  helayno. ”ayuu yidhi Ku simaha Madaxweynuhu.
 
Md. Cabdiraxmaan Saylici oo Hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Arrintani waxay  bilow fiican u noqonaysaa isku xidhnaanshaheenna qadiimiga ahaa ee ka dhaxeeyay Somaliland iyo Imaaraadka carabta,  waxaanay noo abuuraysaa fursado badan oo ah in dad badan oo ganacsato ah ama dalxiisayaal dalka yimaadaan adeegyada wanaagsan ee madaarka Hargeysa laga hirgeliyay  waxay soo jiidaan dadka maalgashanaya dalka.”
 
Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay in looga baahan yahay umadda reer Somaliland in  gacmo furan ku soo dhaweeyaan cidii dalka maalgashanaysa. Waxaana uu yidhi  “Waxa la Innooga baahan yahay haddii aynu nahay  dadka reer Somaliland guud ahaan in cid kastoo dalka imanaysa gacmo furan ku soo dhawayno  oo kor loo qaado adeegyada dalka gudihiisa haddii ay Huteelada  tahay oo ay ku soo dhiiradaan dalka dadka maalgashadeyaasha  iyo dalxiisayaashu meeshii ay iman lahaayeen ee ay ku nasan lahaayeen aynu u diyaar garowno. Waxaana aynu leenahay dhul wanaagsan oo lagu dalxiiso oo dadku  ku nasan karo.”
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply