Waa Maxay Sababta Dumarku Uga Xusuus Iyo Caqli Badan Yihiin Ragga?

0
907

Daraasad dhowaan la soo saaray ayaa muujisay inay jiraan sababo keena inay dumarku ka xusuus bataan, kana caqli bataan ragga, gaar ahaana arrimaha qoyska, iyada oo ay daraasadan sameeyeen khubarro ka socotay jaamacadda lagu magcaabo University of Aston oo ku taalla magaalada Birmingham ee dalkaasi Ingiriiska, waxaana daraasadan tusaale loogu soo qaatay dumar iyo rag gaadhaaya 100, kuwaas oo da’ahaan u dhexeeya 15 illaa 40 jir.
Waxaana daraasada lagu bilaabay in la tijaabiyo xusuusta ka qayb qaateyaasha,kuwaas oo loo qoray mid walba wixii lagala kulmay, waxaanay natiijadii soo saartay in dumarku ka xusuus badan yihiin ragga, gaar ahaan qorsheyaasha mustaqbalka,sida wixii dhici doona hadhow ama ay qaban doonaan.
Waxaanay khubaradani cadeeyeen inay jiraan dheecaan maskaxda ah oo ay aad ugu kala duwan yihiin raga iyo dumarku,sidoo kalena ay jirto habka maskaxda oo kala duwan.
Sidoo kale khubaradan ayaa sheegay in laga yaabo in dumarku ay isticmaalaan xusuusta mustaqbalka qaybo badan oo kamid ah oo ay sii qadin taan, taas oo ay sababto shaqooyinka kala duwan ee ay hayaan,gaar ahaana kuwa guriga iyo kuwa dibadaba.
Daraasado hore oo la sameeyey ayaa lagu cadeeyey in dumarku ay ragga kaga badan yihiin xanuunka loo yaqaano Azheimers ka ,sidoo kalena ay ka cumri dheer yihiin, taas oo keenta in da’da dumarka ee waqtigan ay gaadho 68 sanno, halka ninka ay ka gaadho 62 sanno, sidoo kalena waxa la cadeeyey inay markasta xaga naaxdinta ay kaga badan yihiin dumarku ragga, kana badan yihiin xanuunada ay buurnida iyo baruurtu keento oo uu macaanku ka mid yahay.
 

Leave a Reply