Wax Ka Baro Qaar Ka Mid Ah Jasiiradaha Qurxoon Ee Somaliland

0
2122

Badda Somaliland waxay leedahay jaziirado tiro badan oo muhiim u ah dhinacyada istraatijiyada, dalxiiska iyo kalluumaysiga. Marka aad ka dhaqaaqdo magaalada Saylac gudaheeda ee aad u kacdo dhinaca badda waxaad sii dhexmaraysaa jidka isku xidha dekeda iyo magaalada Saylac, waa jid balaadhkiisu uu kooban yahay oo carro-tuul iyo dhagxaan lagu buuxiyay, kaasoo ay adeegsadaan gaadiidka xamuulka kazoo qaada dekeda magaalada Saylac, inta aad jidkaas ku jirto waxa hareeraha kaa qabanaya cimilo isku dhafan, isla markaana u eg bad iyo barri isku jira, waa kaymo dhir ah, hase yeeshee biyihii badda ayaa dhex jiifa, waxaanay u eg yihiin sidii haro weyn oo biyo oo fadhida, waxyaabaha la yaabka leh ee aad arkayso waxa ka mid ah xoolo, gaar ahaan geella oo daaqaya dhirta ku dhextaala biyaha badda.
Mararka qaarkood goobahan badda ah ayaa isu roga barri, iyadoo ay baddu dib uga caarido. Marka aad dhaafto dekeda qadiimka ah ee magaalada Saylac ee aad badda hore usii gasho waxaad dareemaysaa jawi xasilan oo naftu  ay ku degayso. Sidoo kale ma jiro huur ama kulayl siyaado ah oo ay naftu dhibsato, iyadoo heer-kulka Saylac uu aad uga hooseeyo meelaha kale ee xeebaha ah, marka aad socoto todoba kilo mitir oo badda dhexdeeda ah, waxaad gaadhaysaa jasiirada ugu weyn, uguna caansan dhamaan jaziiradaha Somaliland ee Sacaadadiin.
Sacaadadiin waxa uu ahaa wiil uu dhalay mid ka mid ah boqoradii Saylac soo xukumi jiray xilligii dawladdii Islaamka ee Cusmaaniyiintu ay halkaas ka talin jirtay oo isagu laftiisu boqor ka noqday Saylac, waxaana la sheegay in goobtaas lagu dilay ninkaas.
Jasiirado tiro badan ayaa iyaguna ku yaalla agagaarka jasiiradaas, waxaanay jasiiradahaasi ku xeeran yihiin xuduuda gobolka Salal, jasiiradahaas ayaa waxay waqooyi ilaa waqooyi galbeed kaga beegan yihiin magaalooyinka Saylac, Tokhoshi iyo Lawya-caddo, waxaanay qayb ka yihiin jasiiradaha tirada badan eek u taxan bari ilaa galbeed, balse gobolka Salal ayay jasiiradiisu kaga duwan yihiin dhinaca balaadka barrigooda oo aad u weyn iyo iyaga oo ah tirada ugu badan ee hal gobol ku wada taalla.
Marka aad gaadho Sacaadadiin waxaad arkaysaa wax ka duwan fikradii hore ee aad ka haysatay, waxaad dhexgalaysaa mawjado naxariis ah, baalla-daymoodka awgii ishaadu kama daalayso jaleecada, iyadoo jihada aad eegtaba aad ku dheygagayso dabeecada la yaabka leh ee quruxda badan ee Illaahay ku manaystay jasiirada Sacaadadiin.
Jasiiradda sacaadadiin waxa dhexmara gacan sida webiga ah, waxaana hareeraha kaga teedsan dhir fara badan oo aad u cagaaran, kuwaasoo la sheegay in siidhkooda dibadda laga keenay, isla markaana ay beereen dawladdihii ka horeeyay Ingiriiska ee halkaas xukumi jiray boqolaal sanno ka hor.
Jasiirada Ceebaad waxay caan ku tahay oo ay kaga duwan tahay jasiiradaha kale, waa goob ay ku kulmaan shimbiro kala duwan oo ka kala yimaada meelo kala duwan oo adduunka ka mid ah, halka qaar ka mid ahina ay sannadka oodhan degan yihiin halkaas, iyagoo qaarkood kazoo tallaaba badda cas oo ka yimaada waddamada ay marto badda casi, halka qaar kalena ay ka yimaadaan waddanka Ciraaq. Jasiiradaas Ceebaad ayay ku dhalaan, waxna ku quutaan, isla markaana ay kusoo kordhiyaan bilic aad u qurxoon.
Jasiirada Ceebaad waa jasiirada labaad ee u weyn Somaliland iyo gobolka Salalba. Waxa kale oo ay saldhig u tahay ciidamada ilaalada xeebahaha. Sidoo kale waxay hodan ku tahay kalluumaysiga, waxa isugu yimaada doonyo tiro badan oo dalka gudihiisa iyo dalalka jaarkaba laga leeyahay. Jasiiradani waxay leedahay daaq iyo caws aad u wanaagsan. Waxa kale oo jasiirada Ceebaad ku yaalla noobiyad ama oo la dhisay xilligii turkigu uu halkaas ka talin jiray, waxaana jasiiradan ka tilmaan qaadan jiray maraakiibta waaweyn ee bad weynta maraysa, isla markaana waa mid meel fog laga arki jiray.
Gaadiidka ugu badan ee jasiirada Ceebaad lagu arkaa waa doonyaha yar yare e kalluumaysiga iyo mararka qaarkood oo ay yimaadaan doonyo bagaash yar yar oo ganacsi ah sida.
Jasiirada Koomaali waa mid ka mid ah jasiiradaha ay Somaliland leedahay, waanay ka kooban tahay jasiiradaha kale, waxaanay can ku tahay dhinaca kalluumaysiga oo waxa isugu yimaada doonyo tiro badan oo kalluumaysi.
Jasiiraddaha ku yaalla gobolka Selel waxay kala yihiin:-
1- Sacaadadiin
2- Ceebaad
3- Dahradda
4- Musheekh
5- Koomaali
7- Durreyn
8- Abu Milix
9- Sulukhtiya
10- Shimbiraale
11- Shariifadda.

Leave a Reply