XANUUNKA KU DHACA WADNAHA – Q6aad

0
586

waxaa kale oo xusid mudan in dumarka qaarkood hadii aanay shaqada gurigeeda jimicsi ka dhigan ay goordhaw ku dhib mudato inay dhali kari waydo iyadoo dhabarkeeda iyo macdanteeduba xaydhaysteen awgeed ama muruqyada kala jiidma ee macdanta maraa ay go,aan balse hadii ay hawlkar tahay gabadhu arrintaasi way usahlanaanaysaa waxaana taasi u daliila dumarka danyarta ah ee aan haysan shaqaale iyo dumarka iska raaxaysta ee loo shaqeeyaa isku mid maaha xaga dhalmada, sidoo kale waxaa markaaba gabadha aan sports samaynin marka ay dhalayso lasoo darsa wadno xanuun iyo dhiig kar. Hadii aan ku dhaafo taasi intaas aan ku noqdo qodobka hore ee ku saabsan macdanta dumarka,waxaan raacinayaa waxaa allaah mahadii ah in maanta aan ku dhawnahay inaan cidhib tiro gudniinka fircooniga ah oo qayb laxaadle ka qaata in macdanta dumarku bukooto taasi oo si xoog iyo xooga u buunbuunin jirtay xanuunada ku dhaca wadnaha ee dumarka oo anynu isla garanay inay kasoo aasaasmaan xanuun lasoo darsa macdanta dumarka,waxaana wax la xasuusan karo ah in gabadha xaaska leh ee ka gudubtay sii xidhxidhnaanshihii gudniinka oo kaliya ay maantaba dhaanto ta aan iyadu wali xaas lahayn ee inanta ah waliba marka la eego xaga wadno xanuunka,wuxuu ku sii badan yahay hablaha, Haa— taasi oo aynu ka saadaalin karo in dumarka ka badbaaday gudniin fircooniya ay xaga wadno xanuunka ka bad qabaan,iyadoo hore dumar badani ugu dhinteen wadno xanuun iyo dhiigkar aan loo aanayn inay ciladu kasoo bilaabantay macdanta, hadii aan maanta intaas ku dayno waxaynu qabta gabagabada kasii anba qaadi doonaa jimcaha dambe isha allaah.
Yaab maaha in ka hadalka xanuunada ku dhaca wadnuhu inaga qaato ilaa lix qormo sababtoo ah waxaa taas keenaysa in wadnuhu yahay shay aan lagaadhi karin guntiisa, wixii ku qarsoon illaaha raxmaanka ah ee abuuray ayuunbaa kalidii og,balse intii uu ina baray ayaynu ka hadalnay waliba caafimaad ahaan wixii aan soo ururiyay ee yarayd weeyaan.iyadoo dhaqaatiirtu joogto ayaan intaas oo aan islahaa wuxuunbay tari qoray. Qormadan maanta oo ah tii gababo ee taxaneheenii ugu danbaysay waxaan kusoo qaadanayaa ka hadal guud oo aan khatin uga dhigay wadnaha iyo wixii ku saabsan iyadoo ay ku jiraan cilmiyo faro badan oo uu ka mid yahay kan caafimaad oo aan u dhignayn marka aad eegto xaga macnaha sidii aynu usoo wadnay ka hadalka xanuunada la taaban karo ee gaarka ku ahaa wadnaha sida wixii cilad iyo cabasho xubneed ah ee dareenkeedu ku salaysnaa bukaan jidhka laftiisa ah.waxaana qormadani taas kaga duwan tahay waxaynu ka hadlaynaa xanuunada kale ee jira ee saamaynta ku leh wadnaha iyo bal umuuraha ku saabsan wixii cilmi ah ee laga ogyahay inagoo ku dadaali doona inaynaan xad-dhaafin iskana gaabin doona si aan ugu kaaftoomo wixii maskaxda iyo garashada guud ay fahmi karto,waxaana aan ka bilaabayaa “ogow in xanuunada ku dhaca qalbiga loo kala saaro sadex nooc,iyadoo ay jiraan kuwo kale oo aan tiro lahayn oo kasii farcama sadexdaas bal markaas horta ogow inay si toosa isula xidhiidhaan xanuunadani hadana ay yihiin kuwo ka madax banaan waqti ay yimaadaan iyo waqti ay tagaan iyo meel ay ka baxaan iyo meel ay kasoo galaan.
Lasoco Qormada danbe
Xigasho: Qormooyin uu qoray Sh.Jaabir
 
 
 
 
 
 


 

Leave a Reply