‘Waxaan Ahay Michel Ninkeedii’ Obama

0
418

Luqadda Englishta ayaa ku adag dad badan oo ka mid ah madaxda dunida. Tani waa sheeko dhab oo uu soo tebiyay Danjiraha Japan uu fadhiya Maraykanka, waxaana uu yidhi:
“Dhawr maalmood ka hor intii aanu Obama booqashada ku tegin Japan, waxa ra’iisalwasaaraha dalkaasi la sii baray eryo English si uu ugu soo dhoweeyo.  Eryadan oo aha kelmadaha “How are you” .(iska waran)
Haddaba markii uu ka soo degay  madaarka Obma ayuu Ra’iisal wasaaruhu ku qaabilayay” Erayo, khalad ah oo ahaa “ Who are you”?  (Kumaad tahay).
Obama ayaa isaguna ku jawaabay waxaan ahay Michel ninkeeda (I am michelle’s husband). Ra’’isal wasaaraha ayaa mar kale khalad galay oo yidhi “ Me too”, aniguna kula mid baan ahay.

Leave a Reply