Colaada Buuhoodle Ee Coodanle Lagu Soo Afjaray Yaa Dareemaya‏?

0
399

Waxaan arkayaa qoraalo intooda badan aan si xirfadaysan loo qorin oo baraha bulshadda iyo qaar ka mid ah websiteyada lagu soo qorayo, qoraaladaas oo ay qorayaan dad dhalinyarro ah oo aan xog ka hayn xaalada deegaanka iyo nabadda la qaatay ayaa waxaa si aad ah loogu hiifay heshiiska Coodanle.ee dhawaan soo gebogeboobay. Way ila noqon waydey inaan ka aamusnaado arrinta wayna ka fursan waydey in aan bulshadda u caddeeyo xaqiiqada jirta. Marka hore dadka meelahaas ka soo caytamayoow intiina aan reer Buuhoodle ahayn waxaan idin xasuusinayaa qodobaddan hoose.
 

  1. Nabadda Buuhoodle waxaa qaatay ninkii wiilkiisa, walaalkii, iyo inaadeerkii meel ku wada aasay xiligii colaada isaguna illaa xiligaas dagaalka u taagnaa hadeerna nabadda door biday sidaasna uu door mooday.

 

  1. Nabadda Buuhoodle waxaa qaatay wiilkii aabihii dhintay, ee agoomoobey, walaakiis kii ku waayey iyo xubno aad ugu muhiim ahaa qoyskiisa.
  2. Nabadda Buuhoodle waxaa qaatay ninka ay u joogaan dad dhaawac ah oo garaabo ah, qaar naafoobey, iyo qaar hada uun ka soo kabsanaya dakharadii dagaaladda.

 

  1. Nabadda Buuhoodle lagalama tashan lagalamana tashan doono nin aan xariiqi ka soo gaadhin dagaaladii lagu riiqday ee deegaanka ka dhacay.
  2. Nabadda Buuhoodle ma khusayso ninkii cararay maalintii ay xumayd oo xamili waayey xanuunka xabadda.
  3. Nabadda Buuhoodle waxba laga waydiin maayo nin caruurtiisii geystey meel nabdoon, isagiina nool oo u shaqaynaya lana raba mustaqbal wanaagsan ubadkiisa lkn raba ubadka Buuhoodle inay agoon noqdaan barbaartuna habeen iyo maalinba le’ato.Dadka deegaanka u dhashay ee Saluugsan oo u badan Qurbajoog dhalinyarro ah iyo haween aan weligood deegaanka arag waxaan leeyahay.

 
1.Saaxiibayaaloow nin aan idiin furi doonin yuusan idiin rarin, waxba ha ku filanina  in maalin walba dhegihiinu maqlaan ina hebel baa shalay la diley, hebel baa dhaawacmay iyo meel heblaa la isku haleelay.

  1. Ka damqada dumarkiina maalin walba ooyaya , dumarka asayda qaadaya iyo caruurta aabaha waayaysa.

 

  1. Min fadlan ka tanaasula hurinta colaad aydaan waxba ka tari doonin oo aan is ognahay oo aydaan shangalle gaadhi doonin marka dagaal dhaco. Ima khusayso sidaad u fahamtey waxaan masuuliyadeeda leeyahay sidaan wax u qoray!

 
 
Khadar  Cawl Ismaaciil
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply