Haween Caddaan ah oo Madow Iska dhigta

0
417

Waalidka haweeney u dhaq dhaqaaqda xuquuqda rayidka Mareykanka ayaa sheegaya in sanado ay iska dhigeysay inay tahay madow. Haweeneyda oo lagu magacaabo Rachel Dolezal ayaa u shaqeysa urur lagu magacaabo NAACP, oo ah urur ka shaqeeya inay dadku wada sinnaadaan.
Sida laga soo xigtay wargeys ay leeyihiin dadka deegaanka Dolezal ayaa codsigeeda ku sheegtay inay iska dhaleen caddaan, madow iyo Hindida Mareykanka, sidaasina ay ugu shaqeyneysay guddiga la socda booliska magaalada bishii January. Codsigaas oo hadda la baadhayo.
Wariye ka tirsan ABC oo Dolezal ka wareystay boosto naceyb ah loo soo diray ayaa weydiiyay, “Hooyo, waxaan rabaa inaan ogaado hadii aabahaa yahay Afrikanka Mareykanka”. Waxayna ku jawaabtay inaysan fahmin su’aasha, isagoo kaddibna weydiiyay, “Waalidkaa ma caddaan baa?”. Su’aashaas kaddib waxay iska tuurtay cod baahiyaha iyadoo u dhaqaaqday dukaan dharka lagu iibiyo oo halkaas ka dhawaa. Gabadhan oo 37 jir ah ayaa sidoo kale macalin ka ah jaamacadda Washington.

Leave a Reply