Lacagta Zimbabwi oo Qiimo Beeshay

0
358

Lacagta Zimbabwi ayaa suuqa ka sii baxaysa sida uu sheegay baanka dhexe, hab lacago badan ayaa la soo saaray xilligii sicirbararka. Lacagaha shisheeye sida kuwa Mareykanka, Koonfur Afrika ayaa la isitmcaalayay ilaa 2009kii. Lacagta wadanka ayaa laga isticmalayay oo kaliya kuwa ugu qiimaha sareeya.
Ila iyo isniintii ayey dadka Zimbabwi ku sarifaneyeen 175 quadrillion oo lacagtooda ah 5 doolarka Mareykanka, waxayna dadka Zimbawi haystaan ilaa dhammaadka September si ay lacagtooda u sariftaan.
Sicir bararka ayaa keenay in qiimaha alaabta dukaamada ay dhowr jeer is badasho maalintii, iyadoo ay aad u yaraadeen waxyaabaha asaasiga ah. Dadka Zimbabwi ayaa lacagtooda suuqa ku geeya gaadhi-gacmeed.
Lacagta wadanka  Zimabwi  ugu weyn ayaa ah 100 trillion.
Afar sano oo dowlad midnimo ah, taasi oo waqtigeedi dhamaaday 2013kii, markii madaxweyne Mugabe dib loo doortay ayaa wax ka qabatay dhaqaalaha, inkastoo weli ay caqabado jiraan.
 
Yaraashaha lacagta qaddaadiicda ayaa ka mid ah dhibaatooyinka qiima kororka, iyadoo dukaamada ay baaqiga dadka loo celiyo ku bixiyaan macmacaan ama qalmaan.
Dhaqaalaha dalka ayaa dhibaatada ku jiray ilaa iyo markii dowladdu la wareegtay beeraha ay caddaanku lahaayeen sanadkii 2000, wuxuuna madaxweyne Mugabe ku eedeeyaa dhibatada dhaqaalaha galbeedka, isagoo sheega inay doonayan in xukunka ay ka tuuraan.

Leave a Reply