Khubaro Maraykan Ah Oo Ku Guulaystay Inay Soo Saaraan Dawo Bidaarta Lagula Dagaalamaayo

0
391

Khubarada dhinaca dawooyinka caalamka ayaa ku guulaystay inay soo saaraan dawo ka hortagay inay timuhu daataan,sidoo kalena lagu daweyn karo bidaarta ragga timaha ka gasha,taas oo dhibaato badan ku haysa rag badan.
Dawadan oo lagu magcaabo Orlando ayaa lagu sameeyey gobolo kamid ah wadanka Maraykanka,iyada oo lagu soo bandhigay Florida,waxaanay meesha ka saaraysaa daawooyin hore oo ay soo saareen khubaro kala duwan,kuwaas oo la sheegay inay markii dambe waxba u tari waayeen nimanka inta badan bidaarta leh.
Dawadan ayaa lagu tijaabiyey jiirka cad cad ee loo yaqaano Mice ka ,iyada oo markii hore laga xiiray timaha ku yaala,waxaanay sheegeen khubarada soo saartay in dawadani tahay mid si fudud timaha ugu soo celinaysa Madaxa,iyaga oo si fiican ula fal gelaysa Stem Cells ka unugyada loo yaqaano.
Waxaanay sheegen inay noolaynayso dheecaanada dhinta ee keena inay timuhu jidhka ka daataan soona bixi waayaan,iyada oo sidoo kalena kor u qaadaysa unugyada lagu magcaabo Dermal Papilla oo ah kuwo ka shaqeeya sidii ay timahaasi u noqon lahayeen kuwo deg deg ugu soo baxa.
Khubaro kala duwan ayaa isku dayday inay soo saaraan  dawo taasi lamid ah laakiin may noqon mid lagu guulaysto,iyada oo markii lasoo saaray noqotay mid waxba ka qaban weyday bidaartaasi,taasina waxay keentay in laysku dayo in mid kale la sameeyo oo maanta lasoo saaray.
Waxaana waqtigan lagu tijaabiyey jiirka tijaabooyinka,iyada oo la diyaarinaayo in lagu tijaabiyo dadka ,taas oo keeni doonta in lagu sii daayo suuqyada,waxaana loo iib geyn doonaa meelo kala duwan oo caalamka ah,waxaana caalamka ,gaar ahaana wadanka Maraykanka dhibaato ka haysataa ragga bidaarta leh oo gaadhaaya 40 million oo nin,sidoo kale waxa dhibaato ka haysataa 21 million oo dumar ah,waxaanay dadka caalamku gaadhayaan 1.5 billion oo qof.
 
 

Leave a Reply