Dhibaatadda Iyo Saamaynta Dhaqaalle Ee Isticmaalka Lacagaha Aan Sharciyaysneyn Qeybtii 6-aad

0
351

Haddii aan dib u eegno xeerka Baanka dhexe ee lam: 54/2012 ee la ansixiyey isla markaana uu madaxweynaha JSL qallinka ku duugay 12/04/012, waxa uu qodobkiisa 4aad, laga bilaabo xubintiisa koowaad 1-aad ilaa 4aad uu u qeexayaa si cad ujeeddooyinka iyo waajibaadka aasaasiga ah ee Baanka dhexe ee Somaliland.
QODOBKA 4’AAD UJEEDOOYINKA IYO WAAJIBAADKA AASAASIGA AH EE BAANKA SOMALILAND

  1. Ujeedada ugu muhiimsan waa inuu gaadho joogteeyona degenaanshaha sicirka gudaha.
  2. Waa inuu kobciyo dareerinimada (liquidity) rasamaalka iyo si habboon u shaqaynta hab maaliyadeed Saylad ku dhisan degganaansho iyo kor u qaadida habka lacag bixinta qaranka oo ammaan ah wax-qabad fiicana leh.
  3. Iyadoon wax loo dhimayn ujeedadiisa ugu muhiimsan ee ah inuu ilaaliyo degaanshaha sicirka gudaha, Baanka Dhexe ee Somaliland waa inuu taageeraa siyaasadaha guud ee dhaqaalaha dawladda Somaliland waxna ku kordhiyo Koboca dhaqaalle joogto ah.

 

  1. Waajibaadka asaasiga ah ee Baanka Dhexe ee Somaliland si gaar ah mas’ul uga noqonayaa waa inuu :-
  2. b) Sameeyo, qaato iyo inuu fuliyo siyaasadda lacagta ee Somaliland.
  3. t) Sameeyo qaato iyo inuu fuliyo siyaasadda sarifka lacagaha qalaad iyo nidaamka lacagaha la isugu bedelo ee Somaliland.
  4. j) hayo oo maamulo kaydka lacagaha qalaad ee Somaliland
  5. x) Daabacaa, soona saaraa lacagta waaraaqaha iyo qaadadiicda Somaliland.

 
Kh) Habeeyo lacag bixinta ama isweydaarin (clearing) iyo dhaqdhaqaaqyada deyn bixinta iyo lacag bixinta la isticmaalayo lacago kala duwan, deyman maaliyadeed ama damaanado ee lacag kasta.

  1. d) noqdaa Baanka xukuumadda, iyo la taliyaha xaga lacagaha
  2. r) ruqsad siiyo, ama diiwaangeliyo iyo inuu nidaamiyo, kor joogana Baananka, sariflayaasha lacagaha qalaad, adeeg bixiyeyaasha lacagta, hawl wadeenada habka lacag bixinta, adeeg bixiyeyaasha dammaanadaha, hawl-wadeenada habka wareejinta dammaanadaha iyo wixii kale ee loo soo gudbiyo inuu masuul ka noqdo ee waafaqsan xeerkan.
  3. s) Qaabeeyo, qabyo tiro, korna u qaado habab lacag bixineed oo casri ah wax ku oolna ah, wareejinta damaanadaha ay soo saarto dawladdu ama Baanka Dhexe ee Somaliland iyo habka isu gudbinta dhaqdhaqaaqyada lacag bixinta iyo dhaqdhaqaqyada la xidhiidha damaanadaha.

Qodobkan 4aad ee xeerka Baanka dhexe iyo kuwa kale oo ka mid ah xeerkaa   la ansixiyey, waxa uu Baanka awood u siiyey inuu wax kaga qabto dhammaan waxyaabihii aan soo xusnay oo  sicir-bararku ku jiro iyo ilaalinta qiimaha lacagta dalka. Xeerarka waxa loo curiyaa in lagu daweeyo ama lagaga hortago qallooc ama khaladaad gala ama beddela nidaamyada maamul ee bulshooyinku samaystaan, si aanay  dhexdeeda uga iman isku dhac ama isku dul-noolaansho.
Tusaale; dabagalka iyo la socodka lacagaha foojariga  waxa la sameeyay dagaalkii labaad ee dunida. Waxa waqtigaa la aasaasay hay’ad qaabilsan la socodka iyo wax ka qabashada lacagaha foojariga, iyadoo xilliyadaa  uu “Nazi-gii” Jarmalku bilaabay inuu sameeyo oo daabaco lacago faalso ah oo noodhadh ah, kana kooban lacagaha Mareykanka ee Doolarka iyo ta Boqortooyada Britain. Tallaabadan waxa uu Nazi-gii Jarmalku u arkayey mid ka dhib yar ta qoriga oo uu si fudud ugu jabin karo awoodda Millateri ee labadaa dal.
Jarmalkii Naasiga ahaa waxa uu lacagahaa foorjariga ee dalalka Mareykanka iyo Biriteyn ka soo daabacday mid walba tiro xad-dhaaf ah, waxayna ujeeddada uu ka lahaa ay ahayd inuu dhinaca dhaqaalaha ka burburiyo labadaa dal oo ka mid ahaa xulufadii Jarmalka kaga soo horjeeday dagaalkii labaad ee dunida.
Haddaba, dunidu marba marxalad ayay ka taagnayd xagga tiknoolajiyada, waxayna maanta taagan tahay heer  dunida lagu tilmaamo inay tahay sidii hal tuullo oo iska wada war qaba mid walbana ogyahay  wixii waagu ugu beryey ka kale.
Habka isgaadhsiinta casriga ee dunidu ka gaadhay waqtigan xaga tiknoolajiyada waa mid aan weligeed hore loo malaysan inay ka gaadhi karto.
Hase yeeshee haddana weli waxa jira xeerar lagu kala socdo oo ay ku jirto sidii uu dal kastaaba u ilaashanayo, isla markaana ula soconayo ilaalinta qiimaha lacagtiisa. Sidaa darteed waxa lagama maarmaan iyo waajiba ku ah Baanka dhexe ee Somaliland inuu gacan bir ah ku qabto wax kasta oo qiimo dhac ku keenaya lacagta rasmiga ee dalka iyo sidoo kale cid kasta oo isticmaasha ka  ganacsiga nidaam lacageed oo aan waafaqsanayn shuruucda dalka iyo xeerka Baanka dhexe.
Qiime dhaca xadhkaha goostay ee lacagta Somaliland, waxa si cad u muujinaya isticmaal ka baxa ku dhacay lacagteenii qadaadiicda ahayd iyo ta noodhadhka ah ee ay ka mid yihiin shanta shilin, tobanka, labaatanka, kontanka iyo boqolka shillin, waxana haatan lugo xun ku sii taagan isticmaalka shanta boqol ee shilin.
Isticmaal ka baxa qeybaha ka midka lacagta shilinka Somaliland ee aan soo xusnay, waxay tilmaan cad u yihiin sicir-bararka iyo sida ay u saameeyeen qiimaha lacagteenna isticmaalka lacagaha aan sharciga ku fadhiyin ee loo yaqaan “mobile money” taas oo aanu  dhinac kasta waxba kala socon Baanku dhaqdhaqaaqeeda iyo xaddigeeda toona. LA SOCO…………………..……………………

Leave a Reply