Dayuurado Geedaha ku Beera Lama Degaanada

0
357

Waxa lawada og yahay in gantaalaha ay tuuraan dayuuraduhu ay horseedeen burbur dad iyo duunyo sida kuwii lagu riday Horashima Japan. Haddaba wakhtigan waxa jira dayuurado halkii ay ka qaadi lahaayeen Gantaalo iyo miino dadka dhibaysa xambaara dhir waxtar leh.  Dayuuradaha nooca C-130 oo hore ciidanku u adeegsan jiray ayaa wakhtigan noqoday mid lagu qaado isla markaana sida gantaalka u tuurta geedaha iyoi midhaha laga beerayo goobaha lama deegaanka ah. Qaabka iyo sida ay tuurayso ayaa sababa inay dhulka galaan oo ay sidaasi u ku beermaan. Nooca Dayuuradan ayaa hore loogu adeegsan jiray in ciidamada lagu daad gureeyo goobaha dagaalka.
Dayuuradahan ah ayay midkiiba maalintii beeri kartaa 90 kun oo geed. Shirkadda fikradan curisay ee Lockheed ayaa u samayasy geedo qaabka Kaabsoolka ah iyadoo marka uu dhulka galoba uu bilaabayo inuu noqonayo mid u sheqeeya sida geedaha caadiga ah ee la beero isagoo dhulka u gelaya sida gantaalka.

Leave a Reply