‘Meel Ay Ku Taallo Go’aanka Xisbiyaddu Waa Sharci Ma Jirto, Hadalka Rayte Waa Kii

0
327

Hargeysa (Dawan)- Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali Bukhaari oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiiladda ayaa ka jawaabay hadallo ka soo yeedhay Guddoomiyaha golaha wakiiladda ahna  guddoomiyaha xisbiga Waddani C/raxmaan Maxamed C/laahi Ciro iyo xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali Rayte oo si indho la’aan ah uga hadlay heshiisyadda xukuumaddu gasho.
 
Xildhibaan Bukhaari oo shalay u waramayay wargeyska Dawan ayaa waxa uu u soo jeediyay Guddoomiye Cirro in aanu siyaasada xisbigiisa uga faa’iidaysan xilka guddoomiyenimo ee Wakiillada, waxaana uu tilmaamay in aanay suurogal ahayn in xisbiga Waddani siyaasadiisa laga fuliyo golaha wakiiladda maadaama aqlabiyadda uu haysto xisbiga tallada dalka hayaa ee Kulmiye.
 
Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali Bukhaari ugu horayn isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Guddoomiyaha golaha wakiilada C/raxmaan Maxamed C/laahi Ciro  ahna guddoomiyaha xisbiga Waddani waxa aan u arkaa hadalkaa ka soo yeedhay oo aan qabaa inuu ku hadlayay  fikirkiisa siyaasadeed ee xisbigiisa ka Waddani ahaan maadaama golaha wakiiladu fasax ku jiro, gudidii joogtadu aanah go’aankaa soo saarin, gudidii heshiiyadda ku shaqo lahaana golaha keenin waxa aan u arkayay in aanu guddoomiyahayagu u isticmaalin xisbigiisa siyaasdiisa in golaha wakiiladda ah ee aqlabiyadda xisbiga Kulmiye leeyahay is yidhaahdo uga faa’iidaysto, taasi suuragali mayso, isagana uma fiicna, marka goluhu furmo go’aan gole ayuu  Ciro nagu  matalayaa hadii la yidhaahdo  ha la keeno heshiiyadda xukuumaddu gasho, laakiin inu fikirkiisa siyaasiga ah golaha ku hogaamiye taas naguma hogaamin karo goluhuna mawqikiisa marka laysku soo noqdo ee uu furmo ayaa la gudo gali karaa.”
 
Xildhibaan Bukhaari waxa kale  oo uu ka jawaaby hadalada xildhibaan Rayte oo caadaystaay xajiimaynta xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, waxaanu u soo jeediyay inuu akhriyo dastuurka dalka u yaala waxaana uu yidhi “Rayte mid baan leeyahay oo qaanuunka ayuu yaqaanaa, haduu yaqaanana wakhtigii uu dhigtayna  wakhti dheer ayaa ka soo wareegay oo wuu loox-tuuray oo wuu iloobaa wixii uu soo dhigtay, dawlad ku meel  gaadha dastuurkeena kuma qorna ee waxa ku  yaala in xukuumaddu leedahay muddo xileed wakhtiga ay xilka hayso iyo wakhtiga muddo xileedka loo kordhiyo, markaa awood buuxda ayay haysataa  heshiisyo haday galayso go’aamada ay qaadanayso, umadduna kalsooni ayay ku siisay markaa Rayte waxa aan leeyahay waxa  aad u baahan tahay in dastuurka aad akhridid.”
 
Xildhibaanku waxa uu ku tilmaamay hadalada Rayte ka soo yeedhay in ay la mid yihiin dhaleecayntii macno la’aabta ayd ee uu sheegi jiray waxaana uu yidhi “Rayte dhawr jeer ayuu wax yidhi oo uu sheegay dhaliil iyo dhaleecayn umaddu ku raacsanayn, markaa waxa ay ka mid tahay  waa kii odhan  jiray madaxweynuhu reerkayaga waxa uu u sameeyay  11 maalqabeen,  markaa waxa aan u  arkaa  dacaayadihiisii xildhibaanimada looga wanaagsanaa, hantida lagu tagri falay Somaliland iyo lacag la lunsaday midna ma jiro waa dacaayad iyo baronbagaando been iyo xajiimayn aan sal iyo raad toona lahayn wax ka jiraana ma  jiro  gudida dabogalka hantida qaranka ee golaha wakiilada ee mucaaradka u badan meel kastoo ay tagaan waxa ay yidhaahdeen waxa waliba sidii loogu talo galay ayay u socdaan.”
 
Bukhaari waxa uu sheegay in guddoomiye Cirro  qadaf ku tahay inuu sharci daro ku tilmaamo muddo kordhintii golaha guurtidu u sameeyay xukuumadda iyo golaha wakiiladda maadaama uu muddo kordhin ku fadhiyo waxaana uu yidhi “guddoomiye Ciro korodhsiimadii saddexaad ayuu nagula joogaa waxa la yidhi nin wixii hunguriisa maray  hiifay waa qadafo hareer  ayuu iskaga leexiyaa waxa aan haboonayn Ciro haddii ay sharci daro tahay muddo kordhinta la sameeyay saddex muddo kordhin ah ayuu ku fadhiyaa haddii ay xaraan iyo sharci daro tahay haka tago guddoomiyenimadda oo banaanka ha uga baxo waa kaa ku  dhagan laakiin takarta saaran ma arkee ta kalaa u muuqata.”
 
Waxa kale oo uu sheegay xildhibaanku in awood dastuuriya aanay  lahayn saddexda xisbi qaran isla markaana sharci yahay go’aankii golaha guurtidu muddo xileedka ugu kordhiyeen xukuumada iyo golaha wakiilada waxaana uu yidh “xisbiyada qaranku meel ay dastuurka kaga taalo in go’aankoodu sharci noqonayo meel ay kaga taalo iyo dastuur sheeaya ma jiro wixii iyaga la sax noqdaa iyagay u taalaa go’aanka sharciga ah ee runta ah ee rasmiga ahi waa kii ay gadheen golaha guurtidu waxa aan ka shakisanahay qolada mucaaradku 2016 waxay inoogu  riixayaan 2016 oo Xamar doorashadda laga qabanayo oo saddex bilodo oo kaliya u diidayaan markaa guurtidu dalka ayay badbaadiyeen horena way u badbaadiyeen  umadduna taageero ayay ugu haysaa.

By: Khadar Maxamuud Cismaan

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply