Shiinaha iyo Saldhigiisa Jabuuti

0
376

Jabuuti ayaa ah dal yar oo ku yaala Badda Cas, waxaana saldhigyo militari ku leh dalalka Mareykanka, Faransiiska oo hore dalkaa u gumeysan jiray, hase haatee hadda waxaa si isa soo tareysa, oo cad in shiinuhuna uu daneynayo.
 
Maxay tahay sababta keentay in dalkan ku yaalla Geeska Afrika in uu soo jiito quwadaha waaweyn?
Jabuuti, ayaa lagu tilmaamay in ay tahay dal xasiloon oo lagu dayan karo oo ku yaala gobol ay dhibaato badan ka jirto, taa ayaana loo arkay in ay tusaale lagu daydo noqon karto.
Waxa dalka Jabuuti ku yaala Baabul Mandib oo ah marin muhiim ah oo ku xidhan gacanka Suweys oo ah midka ugu mashquulka badan oo ay maraan maraakiibta caalamku.
Jabuuti, waxay sidoo kale daked muhiim ah u tahay dalka Ethiopia ee dariska la ah oo aan bad laheyn. Haddana muhiimadu way sii balaadhay marka la dhameystiray khadka tereenka ee labada dal isku xidha.
Mashruucan khadka tareenka ayaa waxaa ka howgalayay dalka Shiinaha, waxaana qeyb ka ahaa garoon diyaaradeed iyo dekad.
Jabuuti, ayaa waxay deris la tahay dalal gobolka ah iyo kuwa gacanka carabta taasaana dalka muhiimad weyn u yeeshay in uu noqdo goob ay saldhigyo militari ka sameystaan dalalka Waaweyn.
Somaaliya, ayaa koofur Galbeed ka xigta Jabuuti oo xasilooni daro ay muddo dheer ka jirtay iyo dhibaatooyin kale oo ay ka mid yihiin budhcad badeed iyo Ururka Al shabab ee xag jirka ah oo khatar weyn ku haya gobolka.
Sidoo kale, Jabuuti waxay in ka yar 20 mile u jirtaa dalka Yemen ee dhanka kale ka ah oo Baabul Mandib ku yaala. Qalalaasaha ka jira dalkaasi, ayaa waxaa uu u baahan yahay jawaab caalami ah iyo baahi loo qabo saldhigyo militari oo halkaa ka dhow.
Jabuuti, waxaa ku yaalla saldhiga militari ee ugu weyn ee Mareykanku uu Afrika ku leeyahay halkaas oo ay ku sugan yihiin 4000 oo askari.
Xukuumadda Shiinaha, ayaa waxay dhowaan keentay Jabuuti ilaa 700 askari si ay u difaacato danaheeda xagga saliida oo ay ku leedahay dalka South Sudan. Waxaa sidoo kale ka go’an in ay difaacdo 200 biliyan ee Dollar ee ganacasiga ah oo ay la leedahay qaaradda Afrika.
Waxaa sidoo kale saldhigan shiinaha ka faa’iideysanaya shaqaalaha shiinaha ah ee ka shaqeeya goboladda Afrika iyo Bariga Dhexe.
Mareykanka, kama dhaadhacsana in Shiinaha aysan halkan ka laheyn dano kale oo qarsoon.
Mareykanka, waxaa uu saldhigiisa Milatariga uu ka bixiyaa sanadkii kiro gaadheysa 63 milyan oo doolar, shiinuhuna waxay la imaanayaan 100 Milyan oo kale oo ay wali dheer tahay mashaariic dhinaca dhismaha.
Marka ma adka in la arko in Jabuuti aysan u muuqan tartanka quwadaha waaweyn ee waxaa iyada dan u ah in ay hesho lacagahaas badan ee kiradda ah.
 
 

Leave a Reply