Kurdiyiinta oo Qabsadey Magaalo Muhiim ah

0
330

Ciidamada Kurdishka ayaa miinooyin ka saaraya iyo bambooyin magaaladda Istaatiijiyga ah ee Tel Abyad ee Waqooyiga dalka Siiriya ka dib markii ay dib uga qabsadeen dagaalyahanada Ururka Daacish.
Taliye ayaa sheegay in magaaladda laga helay dhowr baabuur oo ay bambooyin ku rakiban yihiin iyo meydadka dagaalyahanada Daacish oo wadooyinka yaala.
Magaaladda ayaa loo arkaa in ay marin u tahay marka laga yimaado dhanka turkiga magaaladda ay ku xoogga badan yihiin Ururka Daacish ee Raqqa.
Qabsashada magaaladdan ayaa waxay siineysaa Ciidamada Kurdiga in ay gacanta ku dhigaan dhul gaadhaya boqolaal kiiloomitir ee ku teedsan xuduudka Turkiga.
Madaxweynaha Turkiga Tayib Erdogan ayaa ku eedeeyay meleeshiyada Kurdiga oo uu u arko in ay yihiin argagixiso in ay isir sifeynayaan dadka carabta ah iyo kooxaha laga badan yaahay Turkuman. Kurdishka ayaa eedeyntaa beeneeyay.
 

Leave a Reply