Hargeysa (Dawan)- Madaxa Jaaliyadda reer Yeman ee ku dhaqan Jamhuuriyadda Somaliland Bassam Cali Cawad, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray shacbiga Somaliland iyo guud ahaan ummadda Muslimiinta curashada bisha barakaysan ee Ramadaan.
Sidaasna waxa uu ku sheegay war-saxaafadeed oo shalay soo saaray oo uu nuqul ka mid ah soo gaadh siiyay wargeyska DAWAN, kaasi oo u qornaa sidan:-“Asalaamu Calaykum Waraxmatu allahi Wa barakaatuh. Aniga oo ah Madaxa Jaaliyada reer Yeman ee degan dalka Somaliland, Mudane Bassam Cali Cawad, kuna hadlaya Magacayga iyo Magaca Jaaliyada reer Yeman ee Somaliland, waxaan Munaasibada bisha barakaysan ee Ramadaan awgeed hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Xukuumadda Jamhuuriyada Somaliland iyo shacabkeeda muslimiinta ah ee aanu walaalaha nahay, kuwaas oo aan leeyahay Illaahay idinka iyo annagaba ha ina siiyo khayrka iyo barakada Bishan Ramadaan Aamiin.”
Madaxa Jaaliyadda reer Yeman ee ku dhaqan Jamhuuriyadda Somaliland Bassam Cali Cawad waxa kale oo uu dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu ugu hambalyeeyay sida walaaltinimada leh ee qaxoontigii reer Yeman ee ka soo barokacay dagaaladda wadankaas ka dhacay ay xukuumadiisu u mangan gelisay.
Dawannews Hargeysa office