Madaxweyne Siilaanyo Oo Shacbiga Ku Hambalyeeyay Curashada Bisha Ramadaan

0
316

Hargeysa (Dawan)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhambaal hambalyo ah u diray shacabka Somaliland gudo iyo dibadba curashadda bisha  barakaysan ee Ramadaan.
Sidaasna waxa lagu  sheegay war-saxaafadeed uu xalay  soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Md. Axmed Saleebaan Dhuxul oo u qornaa sidan:-“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Dhambaal Hambalyo ah u dirayaa Shacbiga Somaliland Meel kasta oo ay  Joogaan Dalka Guddihiisa & Dibediisaba, Bisha Barakaysan ee Ramadaan Awgeed, waxaanu ugu Bushaaraynaa Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo Kowsatay caawa (Xalay) oo ay taariikhda Miilaadiga ahi tahay 17/06/2015, halka ay taariikhda Hijiriyada Islaamkuna ka tahay 01/09/1436. Madaxweynuhu waxa uu ILLAAHAY uga Baryayaa inuu Sannadka Sanadkiisa Bash-Bash & Barwaaqo ku gaadhsiiyo bishan bisheeda ummadda Islaamka dhammaantood. Isaga oo dhambaalkan mid la mid ahna u Dirayaa Madaxweynuhu Shucuubta islaamka ee Caalamka ku nool guud ahaanba. Sidoo kale waxa uu Bisha Barakaysan ee Ramadaan Awgeed ILLAAHAY uga barayayaa Bukaan jiifka ay Ramadaan ugu soo gashay iyaga oo aanu caafimaadkoodu taam ahayn, awoodna aan u lahayn soonka ALLE innagu waajibiyey, in uu ka dul-qaado xanuunka, intii dhimatay ee aan nasiibka u yeelan in ay innala qaatan farxadan qaaliga ah ee Bisha Ramadaana waxa uu Illaahay uga baryay danbi dhaaf iyo inuu janatu fardawsa ka waraabiyo.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply