Giriigga oo la siinayo Qarash Dheeri ah

0
364

Bangiga dhexe ee Yurub ayaa u ogolaaday qarash dheeri oo deg deg ah bangiyada ganacsiga Giriigga. Codsiga lacagta dheeriga ah ayaa yimid kaddib markii lacag badan ay bangiyada kala baxeen dadkii dhigtay, taasi oo lagu soo warramay inay gaadheyso in ka badan afar bilyan oo Euro ilaa bilowgii todobaadka.
Dadka lacagta u tiilay bangiyada ayaa ka baqay in Giriiggu bixin waayo deymaha oo lacagtooda laga badalo Euros, lagana dhigo lacagtii wadanka.
Inkastoo bangiga dhexe Yurub uu aqbalay in la buuxiyo booska qarashaadkaasi, ayey wararka qaar sheegayaan inay ogolaanayaan in yar oo bangiyada ku socdaan ilaa isniinta, markaasi oo hogaamiyayaasha Yurub ay shir ka yeelanayaan mushkiladdan.

Leave a Reply