Xaalada Yemen oo laga Deyrinayo

0
316

Qaramada Midoobay ayaa weydiisatay in ka badan hal bilyan oo doolar oo kaalmo ah, si ay wax uga qabato wax ay ku tilmaantay musiibo bani’aadamnimo oo ka soo fool leh Yemen.
Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa sheegay in kaddib ku dhawaad labo bilood oo dagaalo ah, ay boqolkiiba sideetan dadku u baahdeen kaalmo.
Dadka Yemen ayey ku adag tahay inay quudiyaan qoysaskooda iyadoo adeegga daruuriga uu burburayo.
Wakiilo ka socda dowladda ay taageerto Sacuudiga iyo falaagada Xuutiyiinta ayaa haatan wadahadalo nabadeed ku leh Geneva, inkastoo ilaa hadda aysan jirin horumar muuqda.
 

Leave a Reply