Khubaro Maraykan Iyo Chine Ah Oo Ku Guulaystay Dawo Cusub

0
382

Khubaro u dhashay wadamada Maraykanka iyo Chine ayaa ku guulaystay inay soo saaraan dawo cusub oo lagaga hortegaayo laguna daweynaayo xanuun dhowaan ka dilaacay meelo kamid ah Koonfurta Kuuriya,kaas oo lagu magcaabo Corona,waana xanuun ku dhaca dhuunta hawadu u marto dadka.
Xanuunkan ayaa keenay inay dalkaasi Kuuriya-da Koonfureed ku dhintaan dad gaadhaaya ilaa 16 qof,halka ay ku dhaawacmeen dad gaadhaaya 150 qof oo kale.
Jaamacadda lagu magcaabo Fudan University ayaa sheegtay inay in muddo ahba ahayd shaqadani mid socotay,iyada oo la kaashanaysay American National Institute of Health maxadka loo yaqaano,kaas oo soo gebo gebeeyey tijaabada dawadan 15 bishii June ee sannadkan,isaga oo tijaabadan ku sameeyey xayawaan kuwa tijaabada ah ,waxaanay taasi muujisay inay dawadani tahay mid si fiican u shaqaynaysa.
Jiang oo ah ninkii madaxda u ahaa kooxda hore dawadan daraasada ugu samaysay ayaa sheegan inay waxyaalo badan oo dhex dhexaad ah ku dareen dawadan ,ayna ka wanaagsan tahay dawooyinkii hore xanuunkan loogu tijaabiyey sida uu sheegay .
Ninkan ayaa sheegay in dhowana la geyn doono goobaha lagu sheegay in lagu arkay xanuunkaasi ee kamidka ah wadanka Koonfurta Kuuriya,taas oo lagu badbaadinaayo dad badan oo uu xanuunkaasi dhaawacay sida uu ninkani sheegay.
Xanuunkan oo ay sheegeen inuu ka jiro wadamada Barriga Dhexe ayay sheegeen inuu sidoo kale u dhintay nin u dhashay wadanka Jarmalka oo da’ahaan jiray 65 kaas oo kasoo noqday safar uu ku tegey fasixiisii wadanka Imaaraadka oo uu xanuunka kala yimid,waxa kale oo iyaguna u dhintay  16 qof oo kale oo Jarmal ah,sida laga soo xigtay wakaalada wararka ee DPA.
Xanuunkan ayay khubaradu sheegeen inuu yahay mid aan calaamadihiisa hore loo dareemayn ,kuna soo baxaaya dadka goor dambe oo uu u dhaadhacay jidhka intiisa kale,waxa uu aad ugu daran yahay ayay khubaradani yidhaahdeen dadka macanka leh,sidoo kalena kelyo xanuunka dadka leh iyo kuwa kale ee xanuunada kale ee jidhka saameeya leh,waxaanay sheegeen inuu ilaa hadda caalamka ku dilay dad gaadhaaya ilaa 455 qof.
 
 
 

Leave a Reply