Masuuliyiinta Maraykanka Oo Dadka Degan Florida Uga Digay Hilib Ay Sheegeen Inuu Bacteria Lee Yahay

0
290

Masuuliyiinta caafimaadka ee dalkaasi Maraykanka ,gaar ahaana gobolka Florida ayaa uga digay dadka halkaasi ku nool hilib halkaasi laga cuno oo ay masuuliyiintu sheegeen in laga helay Bacteria,hilibkan ayaa ahaa mid ay dadka halkaasi ku nool iyo kuwa usoo dalxiis taga iyo kuwa ku noolba aad ay u cunaan laguna dubo xeebta magaaladaasi  Florida.
Bacteria-dan ayaa loo yaqaanaa siday masuuliyiintu sheegeen  Vibrio Vulnificus ,taas oo ay sheegeen inay tahay mid si deg dega u korta una faafta,gaar ahaana marka lagu rido biyaha milixda leh ,waxaana Bacteria-dan laga helay siday sheegeen toddoba qof.
Sannadkan gudihiisii ayay wasaaradda caafimaadku sheegtay inay Bacteria-daasi dishay laba qof oo ku noolaa isla degaanka Florida,taas oo baadhitaan dheer la ogaaday waxay u dhinteen inay tahay Bacteria-daas,waxaana la helay ilaa waqtigan ilaa 32 kiis oo ku saabsan xanuunkaasi muddo 12 bilood ah guddohood,waxaanay masuuliyiintani sheegeen in arrimahani dheceen intii u dhaxaysay bilaha May ilaa May iyo October ilaa October teedii kale.
Afhayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka ee gobolka Florida oo lagu magcaabo Mara Burger ayaa sheegtay inay jirto khatar kale oo dadka kaga iman karta biyaha diiran ee badda oo ay sheegtay inay waqtigan yihiin kuwo wasakhaysan ,lana odhan karo waa meesha ay Bacteria-dani ka timid,gaar ahaana waxay khatar u tahay ayay tidhi haddii qofku lee yahay nabar jidhkiisa ku yaala oo biyuhu ka galaan .
Bacteria-dan ayaa ah xanuun cusub oo ka dilaacay gobolkaasi,kaas oo muddooyinkii ugu dambeeyey dhibaato ku hayey dadka halkaasi degan .
 
 

Leave a Reply