Barack Obama oo Booqan doona Ethiopia

0
312

Barack Obama, Madaxweynaha Mareykanka ayaa noqonaya madaxweynihii u horeeyay ee mareykan ah oo isaga oo xilka haya amaba kursiga ku fadhiya   booqda   Ethiopia, sidaasna waxa sheegay Aqalka cad.
Mr Obama ayaa u socdaali doona  caasimada  Addis Ababa dabayaaqada bisha  July si uu ula kulmo dawladda Itoobiya iyo hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika.
Madaxweynaha ayaa tegi doona Kenya ka hor socdaalkaasi oo hore loo shaaciyay isaga oo booqanaya dalkii aabihii ka soo jeeday markii u horeysay isaga oo ah madaxweyne.
Waxa uu hore u soo booqdey dalalka  Ghana, Egypt, Senegal, Tanzania, iyo South Africa.
Hoggaamiyaha Mareykanku waxa uu ka qeyb geli doonaa shir ganacsi oo caalamiya oo ka dhacaya  Kenya.
Inta uu joogo  Ethiopia,”waxa uu kala hadli doonaa sida loo dardar gelin lahaa koboca dhaqaale,xoojinta heyadaha dimoqraadiyada iyo hagaajinta amniga,” sidaasi waxa u sheegay warfidiyeenka   Josh Earnest oo ah xoghayaha saxaafada ee Aqalka Cad.
 

Leave a Reply